Hargeysa(Geeska)-Cadadkayagii shalay ee Geeska Afrika, waxaanu idiinku soo gudbinay qaybtii koowaad ee waraysi aanu la yeelanay Cabdiraxmaan-Cadami, oo si mug leh u falanqeeyay shidaalka Afrika laga helo iyo faa’iidooyinkiisa iyo weliba khasaarihiisa.
Maantana, waxaanu akhriste, idiin soo gudbinaynaa qaybtii labaad, oo u dhacday sidan:
Waxa jira heshiisyo dhulkan Somaliland in shidaal laga baadho shirkado badan lagu siiyay ilaa wakhtigii dawladii Siyaad Bare, intii Somaliland ay dib dawladeeda ula soo noqotay oo Daahir Rayaale uu heshiisyo badan galay, sidee heshiisyadaas laysugu habayn karaa, iyada oo aan shirkadii balamahan la’la galayna waxba la yeelayn dalkuna uu uga faa’idaysanaayo?
Runtii su’aashaas aadbaan u jeclaa inaad I waydiiso, Somaliland shirkadahii wakhtigii Somaliya ay jirtay gabolada waqooyiga oo Somaliland ah waxa maalgashi badan ku sameeyay shirkado badan laakiin waxa u muhiimsanaa Shafrool iyo Canoonoo lacag badan ayay galiyeen markii dalku uu buburayna waa ay ka baxeen laakiin heshiiskoodii si sahlan loogama baxi karo Somaliland waa ay ku marmarsoon kartaa heshiiskii waa uu dhaafay mudadii oo dhawr iyo labaatan sanadood ahna idiin xidhnaan mayno oo waa marmarsiiyo macquul ah, laakiin aan hadana caalami ahayn. Laakiin Somaliland kuway gashay iyadu ee ay dhawaan gashay ee dawladii ka horeeyay dawlad amaanta ay galeen ee ay laashay oo ay ugu mahiimsantahay shirkad laga leeyahay Norway oo la yidhaahdo Assente Oil oo maalgashi galisay Somaliland si sahal ah ayaa laysaga laalay iyada oo la leeyahay halkaas Bonus kamaanu helin, laakiin Somaliland may fahmin in maxkamado caalami ah iyo looyaro caalami ah oo aan laysku dhaci karin inay jiraan Somalilandna maxkamad lagu saari doono taas oo aanay ka baxi karin dhibteeda magdhawga lagu xukumi doono halka madaxda iyo wasiirka laygu yidhi dibada ayuu joogi jiray ay ka seegtay maan garan. Dunida kama jirto shirkad intay maalgashi samaysay hadan aad tidhi waxba kama jiraan oo max kamado ayaa jira waxan qaada, halkaasna maxkamad ayaa Somaliland kaga soo socota.markaas shirkadaahaas heshiisyadoodu ma jabayaan xataa kuwaa hore ee Maraykanka ah inkastaynu haysano marmar siiyo hadna ma jabayaan.
Waxaan ku dari lahaa halka milyan ee nin madax ka ah Afrika uu shirkad laaluush kaga qaato ogaw boqol milyan ayay shirkadaasu ku macaashaysaa, ee ogsoonaw inaanad waxba qaadan ee aad wax badan lumisay.
Waxa dadka reer Somaliland wakhtigan u arkaan in marka shidaalkaas soo saaritaankiisa lagu guulaysto dalku barwaaqoobayo, hadaba maxaad talo ku soo jeedin lahayd si shidaalkaas dhibtiisa looga badbaado dheeftiisana loo wada helo?
Horta nasiibdaro dalalka Afrika ee laga qoday shidaalka wali dadka shacabka ah dheef badan kamay helin, niman madax ah iyo dad yar oo kale ayaa dheeftaas hela, Somaliland markaan arkay dalalkaas uu habaarka ku noqday shidaalku malaa idnikuna kama duwanidin wadadaas uun baad maraysaan ayaan is idhaahdaa.
Laakiin su’aashaada hadaan ka jawaabo dheefto waxay ku xidhantahay sida kolba madaxda dalku ay u maamulaan khayraadkaas inoo soo kordhay, xataa haddii sida dawladaha Khaliijka ay shirkadahuna badhqaataan badhna madaxda oo boqlkiiba kontan dadka la galiyo barwaaqadaas aad sheegaysaa waa ay ka suurto galaysaa dalka, waayo dadkeenu waa uu yar yahay shidaalkana lacag balaayiin ah ayaa laga helaa guri walba albaabkiisa ayay lacagtu garaacaysaa xataa hadii inbadan la cuno, laakiin nasiib daro waxa weeye hadii aanay dadkii waxbaba gaadhin oo shirkadahii waawaynaa ee tuugta ahaa iyo niman madax ah markay kala goostaan ee dadkan cudaradii,aqoondaradii iyo kaneecadii ay ku jiraan dalagii yaraa ee ay ku macaamilayeena laga baabiiyo ama beero hanoqdaan ama xoole’ee markaas wadadii kuwa hore ayaynu maraynaa, markaan soo gaabiyo waxay ku xidhan tahay sida ay kolba madaxda wakhtigaas joogtaa ee dhulka xukumaysaa ay u maamulaan khayaraadkaas inoo soo kordhay.
Maadaama oo arimahan shidaalka aan wax badan oo aqoon ah loo lahayn sidee bal ugu yaraan aynu ugu baraarujinkarnaa inta dadka madaxda ah ?
Horta runtii hawshan aynu ka sheekaynayno xukuumada yaa leh laakiin waa la’la leeyahay, dhibta jirtaan waxay tahay xukuumadu cidii la lahayd waa ay ka qarisay oo dabool ayay ka saartay, dalkana dadkiisa Baarlamanka ayaa matala waxa jira dad aqoon yahayn ah oo rayigood leh, rag waxan aynu ka sheekaynayno takhakhus ku ley ayaa dalka jooga markaas waxa wanaagsan in la fahmo in khayaraadku uu inaga badan yahay hadii la wadaago, anigu waxaan qabaa in xataa aanay xukuumadu arinkan wada ogayn, waxaanan ku talin lahaa arinkan in loo soo jeesto, wadadii ay mareen dawladahii Afrikaanka ahaa ee inaga horeeyayna in la maraana waa qalad, waa khayraad cid waliba ka dhargi karto oo ka faro badan wax la qarsado iyo wax ay dad gaar ah ay qaataan way inaga wada badantahee waxaan qabaa in dawladu sidii loo baahnaa ay u maamusho dadka ay qusayso iyo dadka dadka matalana hala wadaagto oo yaanay ka dhigin kootarabaan.