Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro), ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqi doona inuu iska casilay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo uu hoggaaminayay laba iyo tobankii sannadood ee ugu danbeeyay.
Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka maanta, waxaana is casilaada guddoomiye Cirro warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Cali yuusuf. Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) ayaa isaguna dhankiisa si aan toos ahayn arintan warbaahinta ugu sheegay.
Ugu horayntii guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Cali Yuusuf oo warbaahinta is casilaada Cabdiraxmaan Cirro u xaqiijiyay waxa uu yidhi "Arintaas shirgudoonku maanta (Shalay) ayuu ka shiray, waxaanu isla garanay in guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu is casilaadiisa keenayo, markaas sidaas ayaa laysugu yeedhay xildhibaanada golaha wakiilada inay ka soo wada qaybgalaan shirkaasi."
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo tilifishanka HCTV la hadlay waxa uu si kooban u yidhi"Bari [Maanta] waxaan isugu yeedhay mudanayaasha golaha wakiilada si aan warbixin muhiim ah u siiyo, saxaafadana marar badan ayay su'aalo I waydiisay oo aan jawaabteedii u siiyo."
Cirro oo la waydiiyay inuu iska casilaayo kursiga golaha wakiilada ayaa arintaas si dadban u tibaaxay"waxana jeclahay inaan go'aankayga ka horsheego golaha laakiin waan ka jawaabi doonaa su'aashaas laftigeeda."