Ciidanka Waddooyinka Oo Qabtay Gaadiid Dawladeed Oo Taariko Shacab Lagu Xidhay

0
616

Hargeysa(Geeska)-Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Gaashaanle sare Faysal Xiis ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku dhigeen tiro gaadiidka dawlada ah oo lanbarkoodii laga badlaay isla markaasna ay ku celiyaan wasaarada hawlaha guud oo arimahaas u xilsaaran.

Xukuumada ayaa dhawaan soo saartay in la sugo amniga gaadiidka dawlada oo laga cabsi qabo in qaarkood la'la baxsado mudada dalku uu doorashada ku jiro. Waxa uu sarkaalkani arimahan u sheegay tilifishanka Eryal waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi "Ilaa dhawr baabuur waanu qabanay, kii la qabtana waxaa la gaynayaa hawlaha guud waa amar guud oo dawlada ka soo baxay, dadka wata waxaanu  ka codsanaynaa inay lanbarkii saxda ahaa ee GT ay ku xidhaan."

Taliyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Ciidanka booliska guud ahaan gaar ahaan ciidanka nabadgalyada wadooyinku waxa ay ka shaqaynayaan baabuurtii dawladu ay lahayd intooda badan waxa lagu qortay Somaliland, waa sharci daro baabuurta dawlada waxa loo ogol yahay inay ku qortaan GT oo ay dawladu leedahay, kaas ayaa lagu soconayaa oo lagu hawlgalyaa, haddii ay yaalaan meelo gaar ah iyo geerashyadaba intaba waa laga soo qaadayaa hawlaha guud ayaa lagu xaraynayaa, markaasi waa mid adag, cidii haysata waxaanu ka codsanaynaa inay baabuurtaas iska soo xareeyeen ama ay ku qoraan lanbarka GT."

Inkastoo uu Madaxweyne Siilaanyo soo saaray amarka sugidda gaadiidka dawladda, haddana waxa muuqata in baylahi ka muuqato gaadiidkii dawladda, waxaana jira gaadiid badan oo dawladu leedahay oo lagu xidhay taariiko shacab, halka ay ka ahayd inay saacad kasta ku xidhnaato taariikada dawladu, marka laga reebo gaadiid dawladu ugu tallo gashay hawlgalo gaar ah.