Cabdiqaadir Jirde Oo Ka Jawaabay Hadal Uu Madaxweyen Muuse Sheegay

31
3424

Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa ka jawaabay  hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo sheegayey in Madaxda Xisbiga WADDANI ay diideen ergo uu sheegay in uu u soo diray, waxaana uu tilmaamay in arrintaasi ay tahay waxba kama jiraan balse uu Madaxweyne Muuse laftiisu ka gow-adeygay dalab ka yimid dhanka Xisbiga WADDANI.

Xildhibbaan Jirde oo arrimahaas hadlaaya, ayaa waxa uu yidhi: “Arrintaa aad sheegtay in Madaxweynahu sheegay in uu ergo noo soo diray oo aanu diidnay waxba kama jiraan, Soo jeedinta anaga ayaa lahayn, waxaanu codsanay in shan iyo shan xubnood oo labada xisbi ahi ay kulmaan, Muuse na isaga ayaa ka gows-qabsaday in uu na la kulmo. Isaga ayaana la kulmay oo beelo doontay, Xisbiga na ka leexday. Xisbigu wax uu diideyna ma jirto, “.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here