Cabdillaahi-jawaan Oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Diridhaba Ku Dhex Maray Somaliland Iyo Itoobiya

0
832

jawaan

Hargeysa(Geeska):-Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(Jawaan) ayaa hadlay heshiiskii dhinaca nabada ee dhex maray dawlada Somaliland iyo ismaamulka sSomalida kilalka shanaad ee Itoobiya.

Cabdilaahi Jawaan oo heshiiskaas soo dhaweeyay ayaa yidhi  “Heshiiskii ay wada gaadheen dawlada ismaamulka Somalida Ethiopia iyo  Somaliland waxa uu ahaa heshiis aad u qiimo badan  dan balaadhana ugu jirto labada umadood ee Somaliland iyo Ethiopia waxaanan heshiiskaa ku hanbalyeynayaa  madaxweynaha ismaamulka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar oo anigu aan u arko nin aad wax u fahmay,  ismaamulka Somalida Ethiopia-na ka dhigay meel  mandaqadan somalidu ku nooshahay ka dhex iftiimaysa  oo xaga horumarka iyo deganaanshaha sidii hore iska badashay, mashaariicda ka socota iyo wax wada qabsigana aad wax ugu soo kordhiyey, nin hal abuur iyo hogaamin leh ayaan u arkaa, waxaan ku hanbalyeynayaa guusha uu gaadhsiiyey somalida Geeska Afrika degta ee Ethiopia ka tirsan iyo sida uu u hogaaminayo  iyo sida uu horumarka u wado.” Sidaas ayuu yidhi Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar.