Cabdillaahi-Jawaan Oo Ku Baaqay In La Fuliyo Amarkii Madaxweynaha Ee Ahaa Inaan Hantida Qaranka Lagu Ololayn

0
965

Hargyesa(Geeska)-Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan)  ayaa xukuumada madaxweyne Siilaano ku tilmaamay mid hawlihii ay qaban lahayd gabtay oo fool xumooyin samaynaysa, waxaanu ku dhaliilay in aanay fulin amaradii komishanka doorashooyinku ay soo saareen.

Cabdilaahi-jawaan oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sida oo kale ciidanka booliska ugu baaqay inay fuliyaan digreetadii madaxweynuu uu soo saaray isla markaasna ay xakameeyaan dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha dawlada, waxaana isaga oo warbaahinta kula hadlaayay Hargeysa uu yidhi”Komishanku go’aanka ay qaataan ma fuliyaan waxa fulinteeda leh wasaarada arimaha gudaha iyo taliska booliska, inay fuliyaan bay ahayd tiina meesha way ka baxday oo fawdo ayay noqotay, haddii amar la qaadan waayana dhaawac iyo dhimasho ayaa iman kara oo dhalinyaradu gaadiidka ayay ka daadanayaan oo cid ayay jiidhi karaan, markaas waa hawl ay gabtay xukuumadu.”

Cabdilaahi-jawaan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”madaxweynuu digreeto ayuu soo saaray waxa uu yidhi shaqaalaha dawladu ollole ma gali karaan iyo ciidamadu, saraakiishii wasaaradaha, agaasimayaashii guud inay kaanbaynkii ay wadaan oo ay lacagtii qaranka laaluush u bixinayaan waxaasina waa foolxumo ay samaynayso xukuumadu. madaxweynuu amarkii waa uu soo saaray ee cidii ku shaqada lahayd waa inay fulisaa, amarka madaxweynaa ciidanka booliska ayaa ilaaliya. markaas waxaan leeyahay wax ha ka qabtaan oo ha xakameeyaan.”