Cabdillaahi-dheere Oo Sheegay In Golaha Dhexe Ee Kulmiye Looga Saaray Kulan Qado Ah Oo Uu La Yeeshay Maxamuud Xaashi Cabdi

0
626

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi-dheere), oo Xukuumaddii hore Axmed-siilaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Wasbarashada, isla- markaana muddo dheer ahaa Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Somaliland, kana tirsanaa xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, oo hadda laga saaray ayaa ka hadlay dareenkiisa iyo sababta uu u arko in looga saaray, waxaanu xusay in aanu waxba u noqonayn arrintaasi.

Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn wuxuu hadalkiisa ku bilaabay“Anigu Shirweynaha waan joogay, halka ay Qabyo-tire iyo Maxamuud Xaashina ka maqanayeen, haddiise Kulmiye nagala saaray Kulmiye muxuu yahay, ma wuxuu ka duwan yahay Xisbiyada kale ee dalka ka jira, haddii caqliga Xisbiga Kulmiye noqday Maxamuud Xaashi buu la qadeeyey ee Golaha dhexe  Xisbiga ha laga saaro  waxba u noqon mayo ee caqligooda ayaa halkaas dhigay, Shirkad haddii shuruuko lagu yahay, oo lagu kala tago way kacdaa, Kulmiyena waa lagu kala tagay..”