Cabdi-weli: Nabad ku sii hoyo: Boobe Yuusuf Ducaale

0
985

Picture1Aqoonyahan gu’giisiyo,

 Garaadkiisa hurayow,

 Danta waad gufaysoo,

 Dadka waad gunnaysoo,

 Dalka waad u gubatoo,

 Sidaad tahay gudgude roob,

 Wada gaadhay uunkoo,

 Xilkii guudka sare iyo,

 Garbahaaga saarnaa,

 Si’ san baad u gudatoo,

 Gees qudh ah kamaad tegin,”

Maansada: Geedkii Xorriyaddow,

Cabdillaahi Xasan Ganey, Baroor-diiqdii Gaarriye,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

9/8/2014ka, Hargeysa,

Cabdi-weli Faarax Jaambiir 7/8/2014ka ayaa lagu aasay xabaalaha Naaso-hablood ka dib markii uu in muddo ah xanuunsanayay ee cisbitaalba cisbitaal kale u dhiibayay. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha innaga siiyo.

Uma aan hollan in aan wax badan ka qoro Cabdi-weli. Waxa ila adkaatay in uu sidaas iyo aammus ku galbado oo uu ku hoydo. Sidaas darteed ayay ila noqotay in aan ereyo xus, xusuus iyo gelbisba isugu jira qormadan kooban ku dareeriyo.

Cabdi-weli Faarax Jaambiir wuxuu ku dhashay magaalada Burco sannadkii 1969kii. Barbaarintiisii  iyo barashadiisii halkaas ayuu ku qaatay. Hooyadii waa Deeqa Xuseen Naalleeye. Wuxuu shaqada macallinnimo ee luuqadda Ingiriisiga ka bilaabay mac-hadka luuqadaha ee Nuuraddin sannadkii 2000, wakhtigaas oo uu ka soo laabtay dalka Koonfur Afrika oo uu in muddo ah ku maqnaa. Wakhtigaas waxa kale oo uu ka-shaqo- galay Wargeyska Jamhuuriya, gaar ahaan mataankiisa luuqadda Ingiriisiga ku soo baxa ee “The Republican.”

Magac Cabdi-weli Faarax Jaambiir ayuu ka ahaa. Aniga oo aan qof ahaan ula kulmin oo aan hor joogsan ayaan ka bartay qaybihii war-baahinta ee uu ka hawl-geli jiray. Haddii aanay xusuustaydu I dagayn markii iigu horreysay waxaan ka daalacday shaashadaha TV-yada, gaar ahaan ‘Space Channelkii’ oo uu si’ aan wax loo dhigaa jirin uga hawl-geli jiray. Wiil dhallinyaro ah ayuu ahaa oo xoog iyo laxaadba u dhashay. Wuxu lahaa karti la yaab leh. Wiil dhallinyaro ah oo hawshiisa u darbanaa dar-dar iyo car-carna u qabay. Ma-daale aan wahsiga aqoon oo aad ka yaabaysay wax-soo-saarkiisa iyo hindisaha ku jiray ee awoodda taakuleyneed ee uu markaa haystay xaddidaysay.

La soco