Cabdi Iley Oo Xabsiga Loo Taxaabay, Dambiyada Loo Haysto Iyo Dawladda Oo Sheegtay In Gurigiisa Hub Laga Helay

50
3285

Addis Ababa(Geeska/W.Wararka)-Xafiiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in xabsiga loo taxaabay madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Telefishanka dawladda Itoobiya ayaa shalay baahiyay muuqaal uu ka soo baxayo Cabdi Maxamuud Cumar oo guri uu ka degenaa magaalada Addis Ababa ay ciidamada federaalka Itoobiya ka soo saarayaan iyagoo hubaysan, waxaanay saareen baabuur ay ciidanku la fuuleen.

Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA, xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar  loo haysto dacwado la xidhiidha gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.

Waxa kale oo uu xeer ilaaliyuhu sheegay in guriga uu Cabdi Maxamuud Cumar degenaa laga helay shan qori oo ah nooca daran dooriga u dhaca ee AK47 iyo 4 baastaaladood, kuwaas oo ay Boolisku gacanta ku hayaan. Hubkan fudud ayuu telefishanka Itoobiya muuqaalkooda baahiyay. Xadhiga Cabdi Maxamuud Cumar ayaa yimid ka dib markii ay Axadii Baarlamaanka Soomaalida Itoobiya xasaanadii xildhibaanimo iyo guddoomiyenimadii xisbiga cod buuxa kaga qaadeen Cabdi Maxamuud Cumar iyo afar ruux oo kale oo ahaa masuuliyiin dawladiisa ka tirsan.

Waxa kale oo uu xeer ilaaliyuhu sheegay in la soo qaban doono dad kale oo aanu magacaabin oo uu sheegay inay Cabdi Maxamuud Cumar la wadaagaan dunuubta loo haysto.  Waa suurtogal in xubnahan xasaanada laga qaaday ka mid yihiin dadka la raadinayo.

Xubnaha xasaanada lagala qaaday Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa kala ah

  1. Cabdijamal Qolombi : Xeer ilaaliyihii dowlad deegaanka, iyo wasiirkii cadaaladda
  2. Raxma Maxamed : Wasiirkii haweenka iyo carruurta
  3. Deeq Cabdullaahi : Wasiirkii Arrimaha Biyaha
  4. Ibraahim Maxamed Mubaarak : Duqii Jig Jiga

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Sabtidii shirjaraa’id ka sheegay  in arrinka Cabdi Maxamuud Cumar uu mari doono dariiqa saxda ah ee garsoorka, helina doono maxkamadayn caddaalad ah.

Hase yeeshee wuxuu Cabdi noqonayaa qofkii ugu sareeyay oo lasoo xidho maxkamadna lasoo taago marka laga hadlayo dadka kala duwan ee guud ahaan Itoobiya lagu eedeynayo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Waxaa sidoo kale warbixin taas la mid ah soo saaray hay’addaha xuquuqda aadanaha oo iyagu ku baaqay in caddaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay xadgudubyada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here