“Caalamku Wuxuu U Muuqdaa Inuu Abaalmarinayo Kuwa Fashilmay [Somaliya], Oo Uu Ciqaabayo Kuwa Guulaystay [Somaliland]”Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire

0
582

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa aqoonsi la’aanta haysata Somaliland ku tilmaamay mushkilad cagaha ka xidhay horumar badan oo jiri lahaa.

Wasiir Sacad oo u waramay wargeyska The guardian, wuxuu beesha caalamka ku canaantay inay dayaceen Somaliland oo ay ku ciqaabayaan guulaha ay gaadheen, halka ay Somaliyana ku garab taaganyihiin duuldaro ay samaysatay,  “Aqoonsi la’aantu waxay daliil u tahay caqabado badan. Ma helno caawimo toos ah, caawimooyinka oo dhami waxay soo maraan gacmo saddexaad oo ah Qaramada Midoobay. Qaramada Midoobay waxay leedahay dad khubaro ah, laakiin ururada uu janalkani soo maraa aad bay u badanyihiin, waxaana jira kharash maamul oo aad u badan. Haddii lana aqoonsan lahaa, waxaanu caawimada u heli lahayn si toos ah, soona jiidan lahayn maalgashadayaal.” ayuu yidhi Sacad oo intaas raaciyay “Uma malaynayo inay dunidu si wanaagsan u qaadatay  digniinaha aanu abaaraha ka soo saaraynay horaantii sannadkan. Waxay u muuqataa in beesha caalamku aanay ka soo jawaabin baaqayada ilaa Telefishanada laga arkay carruur dhimanaysa.”

Wasiir Sacad wuxuu yidhi  “Mucaawinada soo marta Qaramada Midoobay hadda aad ayay u yartahay una gacmo badantahay, rajo la’aani ma jirto, laakiin mararka qaar waxay qaadataa bilo in caawimadu gaadho wadanka sida ay u soo marto darajooyin kala duwan. Inta badan abaaro ayaa na heli jiray, laakiin waxay ahaan jireen tobankii sannaba hal mar. Hadda dhawrkii biloodba mid ayaa jirta, isbedelka cimilada ayaana keenay, sannadkan waxa na heshay abaartii ugu xumayd ee inta la ogyahay bariga Afrika ka dhacada. Abaaruhu waxay baabiiyeen 80% xoolihii dalka, waxaanan nahay dad ku tiirsan xoolaha dhaqaale ahaam.”

Wasiir Sacad, wuxuu sheegay inay Somaliland samaysatay nidaam dawladeed oo degen islamarkaana ay ku guulaysatay inay ka soo kabato dhibaatooyinka gobalka ka taagan, balse ay dunidu il gaar ah ku eegayso qaska ka taagan Somaliya “Waxaanu ka soo doogaynaa qaska, ilmaha rabashka badan ayaa soo jiita dareenka. Bulshada caalamku waxay u muuqataa inay abaal marinayaan kuwa fashilmay  [Somaliya] oo ay ciqaabaan kuwa guulaystay [Somaliland].”