Buuhoodle: Xubin Waddani Ka Tirsan Oo Soo Dhaweeyay Wada Hadalada Xisbigooda Iyo Isbahaysiga

0
531

Buhodle(Geeska)-Axmed X Maxamuud X Cumar Camay oo ah xubin heer xarumeed  oo xisbiga Waddani ah ayaa soo dhaweeyey isbahaysiga garabka kulmiye ee uu xisbiga wadani wadahadalada u furmay.

Mudane Axmed waxaa uu bogaadin iyo mahadnaq aan qiyaas lahayn u diray garabka isbahaysiga kulmiye, kaasoo ku aadan mudnaanta ay siiyeen xisbiga wadani ee uu wadahadalku u furmay maadaaba ay muddo ama waqti siiyeen ka fiirsashada xisbiga ay ku biiri lahaayeen, ka dibna ay qaateen hadafka hogaamineed ee xisbiga wadani yahay ka ay doorbideen inay uu yahay ka saxa ah.

Axmed x maxamuud ayaa ku tilmaamay garabka isbahaysiga ee kulmiye magaca garabka runsheeg,taasoo uu sida uu sheegay uu ku macneeyey inay ay yihiin rag munaasib ah oo ka dhex muuqday mudadii ay xisbiga kulmiye ka tirsanaayeen ee talada dalka haya, iyagoo markii danbena cadeeyey mawqifka ay ku kala aragti duwanaadeen awgeed ay xilalkii ay umada u hayeen u wareejiyey si nadiif ah.

Sidoo kalena uu xaqiray mudnaantii iyo miisaankii ay xisbigaasi ku lahaayeen, waxa kale oo ay muujiyeen lexejeclo iyo wadaniyad, sidaas awgeed xisbiga wadani oo aan ka tirsanahay waa guul u soo hoyatay, waxaanuna anagoo xisbiga wadani ah oo isugu jira heer qaran ,heer jahliyadeed heer gobol,iyo heer degmoba idinku soo dhawaynaynaa gamco furan.

Waxaa kale oo aan madaxda xisbigayga ee wada hadalka la gelaya aan leeyahay waa inaad samaysaan tanaasulaad badan, Halka Aaan masuuliyiinta garabka runsheegna aan leeyahay mawqifka idiin soo baxay markaad ka baaraandegteen xisbiyada haddii uu noqday wadani sidii la idinku yaqaanay u debca sabab kasta oo aad kaga mid noqon kartaan xisbiga wadani, sidoo kale waxaan uga faa'iidaysanayaa farriintaydan in xubin kasta oo xisbiga wadani iyo shacabkiisa taageersaniba ha u istaagaan sidii wada hadalkaasi aanu u dayac u yeelan .

Ugu danbayn waxaan waxaan salaan dadaal ahaaneed u dirayaa madaxda xisbigayga iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay isu soo dhawayntan, halka aan masuuliyiintana leeyahay soo dhawaada madaxdayadii ayaad tihiine.