Buubaa Oo Sheegay Inuu Saldhiga Berbera Ee Iumaaraadka Kala Mawqif Yahay Xisbigiisa Waddani

0
659

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in hanaankii geedi socodka Dimuqraadiyada Somaliland,dawlad wanaagii iyo xoriyatul qawalkii uu meesha ka baxay, .

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horayn isagoo tixraacaya hadalkii safiirka Ingiriiska, wuxuu yidhi , “Waxa muuqata hadalka Safiirka Ingiriiska ee dalka yimid, Wadamada reer Yurub iyo Mareykankaba oo siyaabo kala duwan arintan uga hadlay inay aad iyo aad uga xun yihiin  geedi socodka Dimuqraadiyada Somaliland in maalinba maalinta ka dambaysa uu sii xumaanayo,dibna uu sii socdo,  waxa kale oo dhab ah inay aad uga xun yihiin  dib u dhaca ku yimid geedi socodkii Dimuqraadiyada Somaliland, Xoriyada iyo Dawlad wanaaga oo dhab ahaan wada socda, marka la waayo Dimuqraadiyada oo qofku haddii uu is yidhaahdo adiga ayaa xukunka iska haysan kara, oo cid alaale cida uu is yidhaahdo xukunkan aad iska haysatid  ayey kugu goodinayaan, waa in jeel la geeyo, cida ugu darana waa Saxaafadda, haddii aad aragto Saxaafadda oo lala dagaalamayo waxa la doonayaa, in waxa jira dadka aan loo sheegin, sidaas awgeed ayaa loo hanjabayaa Saxaafadda oo loo xidh-xidhayaa iyo waliba cida Saxaafadda ka muuqata, nidaamkii Siyaad  Barre ka tagay, ee uu ku jabay weeye, waxaana ka daran oo aan maqlay in maalin dhawayd inamo fadhiya Makhaayad oo Berbera jooga, in kalmado caadiya oo ay iska lahaayeen in lagu xidh-xidhay, oo lagu yidhi maxaad waxan ugala jeedeen, dhaqankana waa dhaqankii kaligii talisnimada xukun xumada iyo siyaasad la’aanta, Dawladdaha xun”.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa mar aanu wax ka weydiinay mawqifkiisa dhabta ah ee ku saabsan Saldhiga Milatari,iyadoo la sheegay inuu taageeray  ayaa ku jawaabay “Anigu waxaan ka hadlaya in Saldhigu uu ku xidhan yahay Dekadda, waxaan kale oo aan ka hadlay istaraatijiyada uu Caalamku ku shaqeeyo ee ah deganaasha iyo Siyaasada, gaar ahaan Geeska Afrika, Badda Cas, Berbera iyo inay Somaliland tahay dal iyo in arimaha hadda ka socda in si wanaagsan oo degan, loo hagaajiyo, laakiin mawqifka aan anigu ka taagan nahay arimahaas waa mawqifka uu Xisbiga Waddani  ka taagan yahay,Aniguna Xisbiga Waddani ayaan ka mid ahay”