Buubaa Oo Sheegay In Sadbursi Ka Jiro Beesha Dhexe, Kuna Taliyey In Dastuurka La Furo, Qaadista Cashuurahana Wax Laga Beddelo

32
4977

Hargeysa (Geeska)- Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah ruugcaddaaga Siyaasiyiinta Somaliland oo tirsan Xisbiga Waddani,  ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, Siyaasada Arriamaha Dibadda,wada hadalada Somaliya,  tabashada saami qaybsiga, aragtidiisa ku waajahan Xukuumadda Muuse Biiixi iyo qodob kale.

Ugu horreyn isaga oo ka hadlaya sida ay muhiim u tahay in wax laga beddelo qaabkii ay hore u ahaan jireen wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa waxa uu siyaasi Buubaa sheegay in ay muhiim tahay in dadweynaha fursad laga siiyo arrintan, waxa aana hadalladiisa ka mid ah, “Waxa loo baahan yahay in dadweynahana loo ogolaado inay ka qayb qaatan wada hadalkaas; Madaxdhaqameedka, Fanaaniinta, Saxaafiyiinta”. Mudane Buubaa la yaab ku tilmaamay in wada hadallada Soomaaliya laga dhigo arrin cabsi leh oo dadka looga baqayo, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Arintan laga dhigayo, Somaliya la hadalkeedu wax la yaab leh oo laga baqanayo, oo dadweynaha looga baqanayo, oo dalka looga baqanayo, oo aanay ahayn waddaniyad iyo in aan la aamini karayn, oo cid yar isku koobto, ma shaqeeynayso, waa in arintan albaabada loo furaa, dadweynaha loo furaa, la wada hadlaa, oo wixii danta ah loo daayaa in dadku uu la fal-galo”

Waxa uu mudane Buubaa intaas ku daray in loo baahan yahay in wadahadalladu ay ku soo dhowaadaan qodobbada muhiimka ah ee ay tahay in la isla meeldhigo, “Waxay arintu u baahan tahay in la rogrogo . Waa in si weyn loo baadho, oo waxa danta ah lagu soo dhawaado”

Mudane Ismaaciil Hurre Buubaa, waxa uu sheegay in wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay u yaallaan labada dadka labada dhinac, dawladdahana ka jirana laga rabo iyaga in ay hagaan oo si wanaagsan oo meel mareen ah ay u qaadaan. Waxa uu sheegay in 1960 aanay labada dhinac cidi isku qasbin ee ay iskood isu raaceen, imikana ay tahay in racaan sida dantu ku jirto oo ah in mid waliba danteeda gooni ahaanteeda u hagaajisato. Waxa aana hadalkiisa ka mid ahaa, “Waxaa loo baahan yahay dadka Somalida ah ee jooga Somaliland iyo Somaliya, in si furan oo dantu ku jirto u wadahadlaan. Arinta muhiimka ahi waa in la wadahadlo, laakiin arinta wada hadalku maaha qof doonaya daacayad  ah i arkaay iyo i maqalaaya, oo dano gaar ah ka doonaya maaha inay meeshu noqoto, ee waxa loo baahan yahay in si cilmeeyeysan, oo degan, oo danta  laba dhinacba ku jiraan in arintan loo agaasimo ayaa haboon.”

Mudane Buubaa waxa uu sheegay in aanay ahayn in dawladda Somaliland ay dadka ku qasabto in cid aan iyada ahayni aanay la hadli karin Soomaaliya, ama in cidda la hadlaysaa ay iyada marka hore la tashato, isaga oo taas sii wadana waxa uu yidhi, “Dawladdu waa in ay ka qaadato door hoggaamin ah, laakiin se aanay odhan arintan aniga mooye cid kale ma dhex gali karto, ciddii dhex gashaana dawladda in ay la socodsiiso weeyaan”

Isaga oo ka hadlaya kulankii dhowaan guddoomiyaha UCID mudane Faysal Cali Waraabe iyo hoggaamiyaha Khaatumo Mudane Cali Khaliif Galaydh, magaalada Brussels kula yeesheen madaxweynaha Soomaaliya. Waxa uu ku taliyey in aan arrinta la buunbuunin oo aan laga soo qaadin wax weyn oo dhacay,  isaga oo arrintaa iyo sida ay tahay in lagu qaabilo ka hadlayana waxa uu yidhi, “Farmaajo, Cal Khaliif Galaydh, iyo Faysal Cali Waraabe oo is arkay, anigu uma arko in wax weyn laga sameeyo, waa arin loo baahan yahay in laga talaabsado, oo si degan oo Dawladduna la socoto, Dadweynuhu la socdaan, khaasatan Saxaafadda Somaliland inay la socoto, in loo dhex galo ayaa daruuriya.”

Mudane Buubaa oo ka hadlayey siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland sida ay ku hagaagi karto, waxa uu sheegay in uu jiro saluugga ay dad badani ka hadlayaan ee siyaasadda arrimaha dibaddak u waajahan, laakiin cidda dhaliisha lihi aanay ahayn wasaaradda oo keliya, isaga oo taas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Saluugaas laga wada hadlayaa waa jiraa, laakiin Wasaaradda qudheeda in la dhaleecayo maaha, haddii aanay jirin Siyaasad guud oo Wadankan lagu hagaa, Siyaasada Arrimaha Dibadduna kaligeed waxba ma qaban karto”

Saamiqaybsiga

Mudane Ismaaciil Hurre Buubaa waxa uu ka hadlay saamiqaybsiga iyo taladiisa ku aaddan, waxa aanu sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo saami qaybsi hagaagsan, oo ay raali ka wada yihiin qaybaha kala duwan ee Somaliland, khaasatan dhinaca Galbeedka iyo dhinaca Barriga, oo diidmo xoogan ka taagan tahay. Iyaga oo u arka in Isaaqu uu sadbursi samaystay, oo aanay ogolayn in dadka kale waxa ay xaq u leeyihiin helaan. Laakiin waxa uu sheegay in sadbursigu anau halkaas ku joogin ee Isaaqa oo laga cabanaya qudhiisuna sadbursi sii kala samaystay. Waxa aana sheegay in Isaaqa dhexdiisa ay jirto in dadyaw gooni ahi dawladnimadii shaadh ay tosheen ka dhigteen.

Mudane Buubaa taladiisa arrintan ku aaddan ayaa ah, “Waxa loo baahan yahay in si daahfuran, oo cid waliba raali ku noqon karto, loo agaasimo. In Dastuurka la furo, ayaa loo baahan yahay. Cashuuraha sidan loo qaadayo, ee shaadhka loogu toshay qaybo mucayina, in wax laga bedelo ayaa loo baahan yahay. Wadankani wuxuu u baahan yahay in runta iyo xaqiiqada uu ku soo dhawaado. Arrimo badan oo dad gaar ahi iska maamulayeen, sida ay doonaana ka yeelayeen, waxay ila tahay in ay laga maarmaan tahay in dhinaca Siyaasada, dhinaca Dhaqaalaha iyo dhinac kastaba wax laga bedelo, oo Dastuurkana loo fiirsado, in waxay dantu ku jirto loo soo daadago. Dadweynaha ka qabanayana arimahaasna si wanaagsan loo dhegaysto”

Ugu dambayntii mudane Buubaa oo ka hadlayey aragtidiisa, taladiisa iyo waxa laga baran karo isbeddelka ka socda dalka Itoobiya waxa uu yidhi, “Wax weyn baa laga baran karaa is bedelkaas,  Somaliland-na, waa albaabka Itoobiya, khaasatan Kilinka Shanaad. In si xoogan la iskugu xidhmaa waa muhiim, dadku wey isku xidhan yihiin, deegaankuna uu isku xidhan yahay, ee khaasatan waxa loo baahan yahay in dhinaca ganacsiga si weyn la iskugu xidhmo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here