Burco: Macalin Axmed Neershiya Oo Xanuun Culusi Ku Habsaday, Gurmadna U Baahan

0
3644

neershiyaBurco(Geeska)-  Ibraahim   Axmed Rooble oo loo yaqaan Neershiya Wuxuu   ka  mid ahaa macalimiintii  waaweynad ee gobolka  togdheer,   in ka badan 35-sanadood ah  waxa ka dhigayay dugsiyadda  sare ee burco eek ala ah,  sh. Bashiir, Farsamada gacanta , Daaqa qaranka , 15-May iyo  kuwo  kale oo badan  Balse hadda  waxa uu   u jiifaa   xanuun culus oo asiibay, dhakhaatiirta caafimaadkuna  ku taliyeen  in wax lagaga qaban karo dhakhtaro dibadeed oo la geeyo.

Macalin Neershiya   waxa ka aflaxay  mudadaa  uu wax dhigayay ,in ka badan boqolaal  kun oo arday oo ku kala dhaqan daafaha Dunida,qaarkood  nasiibku u siiyay  inay  hogaanka sare dalalka Somaliland iyo Somaaliya  ka mid noqdaan, kuwo kalena  noqdaan ganacsato waaweyn,  iyo inbadan oo  haysa shaqooyin  wanaagsan.

Aniga (Kayse Digaale oo ka tirsan JMG, Xaamud Good ,Xuseen Girgire ,Cabdi Good, Maxamed Aadan Foolge ,C/salaam Ilkacase Iyo Salaal , waxay ka mid ahaayeen ardaydii ka aflaxday, macalinka ,booqashana waxay ugu tageen  macalinku guriga uu jiifo, ka dibna waxay fariin u direen dhamaan ardaydii  ka aflaxday maxalin ineershiya eek u kala dhaqan daafaha aduunku inay  gurmad dhaqaale oo degdeg ah u soo fidiyaan macalinkooda, oo kaalin weyn ka qaataan  sidii dhakhtar dibadeed  oo lagu soo daweeyo loo gayn lahaa macalinka.

Sidoo kale  Cidkasta   oo aqoon u lahayd macalin neershiya ama  jecel inay  ka qaybqaadato u gurmashada ,  inay  ka qaybqaatado   wax u qabashada  macalinkan  u jiifa xanuunka  asiibay.

Macalin Neershiya oo mudo dheer ka  mid ahaa macalinta  gobolka togdheer, kana mid ahaa kuwo loogu jecel yahay intaanu xanuunku dhulka dhigina  wali wax dhigaya  islamarkaana  ka mid ahaa saraakiisha  wasaarada waxbarshada  togdheer ,ayaa wasaarada  waxbashada Somaliland ka gaabisay  inay gacan ka gaysto  sidii dibada  loogu qaadi macalinkan  xanuunku ku habsadaya.