Burco(Geeska)-Iska hor'imaad Khasaare sababay ayaa shalay ka dhacay Tuuladda Baliga Diiriye Guuleed ee Waqooyiga Burco ,halkaasi oo ay bilihii u danbeeyay isku hayeen Laba beelood oo deegaankaasi wada dega.
Dagaalkan ayaa ka dhashay ka dib markii ay xukuumadu isku dayday inay fuliso go’aan ay hore uga soo saartay khilaafkaas, waxaana isku dhacay Ciidamo Xukuumadu gaysay ,halkaasi si ay u aasaan Baliga khilaafku ka taaganyahay ee Diiriye Guuleed iyo Maleeshiyo beeleed halkaas ku sugnaa, oo ka soo jeeda beesha Cabdale Arab ,kuwaasi oo ka biyo diiday aasida dhaam biyoodkaasi sida la sheegay.
Dagaalkan ayaa waxa ku dhaawacmay Lix Qof oo ka soo kala jeeda Ciidamadan iyo Maleeshiyadan ,kuwaasi oo dhaawacooda Cusbitaalka Burco la soo gaadhsiiyay, waxaana dhaawaca ka mid ah sarkaal ciidan ah. Geesta kale Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Siilaanyo ayaa xiisadan deegaankan ka taagan ka soo saaray maalmo ka hor go'aamo Tuuladdan lagu baabiinaayo kuwaasi oo ay ku gacan saydheen Beesha Cabdale Arab oo ah beesha ay mulkiga Tuuladan isku hayaan beesha Axmed Faarax ee Habarjeclo oo ay deegaankaasi wada degaan.
Labadan beelood ee walaalaha ah ayaa ka sakow xukuumadda, aanay jirin ergo culus oo guurti ah oo u gurmatay daminta colaadaas oo muddo soo taagnayd.