Khabiir Caalami Ah Oo Hargeysa Ka Bilaabay Baadhitaanka Dadkii Ay Dawladii Siyaad Bare Xasuuqday

0
750

 

Hargaysa( Geeska )- Khabiir ku xeer dheer baadhitaanada xasuuqyada   ayaa si rasmiya baadhitaan uga bilaabay magaalada Hargaysa, gaar ahaan meel aan wax-badan ka fogayn goobtii Badhka loo yaqaanay, ee xukuumadii Siyaad Bare  ku layn jirtay dadka shacabka ah.

Khabiirkan oo magaciisu yahay Jose Poble kana socda hay’adda madaxabanaan ee EPAF waxa baadhitaankan ku waheliya kooxo iyaguna dhankooda wada aqoon kordhsi, waxaanay baadhitaan rasmiya shalay ka bilaabeen xabaal wadareedyo la filaayo inay ku jiraan ku dhawaad 55  qof oo laba  goobood oo isku dhaw lagu daboolay kadib markii kooxo kooxo loo laayay, sanadku markii uu ahaa 1984-kii, xiligaas oo ay dhibaatooyin xoogan gaysteen ciidamada dawladii uu hogaaminaayay Maxamed Siyaad Bari.

Hadal kooban oo ay Xabaalahaas warbaahinta ku siiyeen wasiirada cadaalad, Diinta iyo awqaafta iyo Cabdicasiis Maxamed Diiriye oo ah muwaadin reer Somaliland ah dalkana keenay khabiirkan, ayaa ay dhamaantood ku sheegeen in muddo shan sano ah ay xukuumadu heshiis kula gashay sidii baadhitaano diiwaangelin ah loogu samayn lahaa xabaal wadareedyada tirada badan ee lagu aasay dadka la Xansuuqay, sida oo kale waxa uu khabiirkan ku tababari doonaa arday reer Somaliland ah baadhitaanada dadka xasuuqyadu ku dhacaan.

Ugu horayntii wasiirka Cadaaalda Xuseen Axmed Caydiid, oo xabaalahaas dushooda ka hadlaayay waxa hadaladiisa kamid ahaa “Qoladan waxaan la galnay heshiis shan sanadood ah, shantaas sanadood waxa laga yaabaa inay sanadkii mar ilaa labo ay yimaadaan oo muddo ilaa bil ah marwalba inala joogaan, halkan aan maanta taaganahay waxa laga yaabaa in bishaba ay ka shaqeeyaan.”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu sheegay ujeedada ay heshiiskan ula galeen kooxdan baadhitaanka wada waxaanu yidhi “ Arintan dhawr ujeedo ayaan ka doonaynaa, midi waxa weeye inaan Diiwangalin dhexdhaxaad ah helno oo waxii dalkan gaadhay ciddi ka markhaati furto dadkaasu xiligay dhinteen iyo waxa ay u dhinteen, midna waxa weeye inaan sidii xaqa ay ulahaayeen aan u aasno oo haddii meel aanay iyagu lahayn ay ku jiraan aynu ku aasno meel ay iyagu yeeshaan oo aynu u calaamadino, ujeedada saddexaad waxa weeye inaan wax ka barano ileen dadkan inoo soo gurmaday maalin walbaa la helimaayo’ee,markaas dad wax inoo baranaaya ayaa ku jira, hadii ay jiraan dad dhulka hore u lahaana ama ay ku jiraan dhul wado ah aan haboonayna inaynu ka banayno.”

Wasiirka cadaalada waxa uu ku celceliyay in aan cidna baadhitaanadan loola jeedin balse ay doonayaan in taariikh ahaan loo kaydiyo dhibaatooyinka dadka reer Somaliland soo gaadhay, isla amrkaasna loo heli lahaa tirad rasmiga ah ee dadka xansuuqa loo gaystay.

Cabdicasiis Maxamed Diiriye oo ah muwaadin reer Somaliland ah dalkana keenay kooxdan baadhitaanada wada, ayaa isaga oo faahfaahin ka bixinaaya baadhitaanadan waxa uu                    yidhi  “Barnaamijkan shan sanadood ayuu soconayaa sida uu wasiirku idiin yidhi, waxa kale oo muhiim ah oo aan rabaa inaan halkan ka sheego waxaan samaynaynaa tirakoob waa laysku haystaa xansuuqii halkan( Somaliland ) ka dhacay dadka ku dhintay intay leekaayeen. UN-tu markii ugu horaysay laba bilood gudahood 50 kun ayay ku qiyaastay, laakiin qiyaasta aanu anagu haynaa waa 250 Kun oo qof haddaanay ka badnayan.” Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Cabdicasiis sidan“Markaas waxaanu aad u tijaabinaynaa inaan kaydintaas samayno, dawladuna nagala hawlgalayso, dadkii dhintayna inaan ka helno tiro sugan, oo aynu ogaano inta dhimatay iyo siday u dhinteen haddii ay madfac iyo diyaaradi dishay iyo kuwo laysku xidhidhay oo Maka-durduro iyo meelahaas lagu aasay.”

Cabdicasiis isaga oo sharaxaad ka bixinaaya ninkan khabiirka ah ee baadhitaaka samaynaaya waxa uu yidhi “ Markaas arinkana waa mid weyn, ninkan aan meesha keenay waxa uu kamid yahay shan qof oo dunida hawshan gala, dalal badana waa nin ka soo shaqeeyay, shaqadiisuna waxa weeye inuu markhaati ka noqdo waxyaalaha noocan ah ee dhaca oo uu diiwangaliyo.Qorshaha kan maanta ku xigaana waa Mako-duduro oo runtii doox ah oo lafahii dadku ilaa Berbera daadsan yahiin inaan ku xigsiino, oo barnaamijkaasu uu noqdo, tan waa tii ugu horaysay oo mid sidaas u weyn maaha.”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday sidan “Maaha arinkan arin cid cadaawad loogu qabo, waxa weeye taariikhda dadkan iyo dalkan in aanay lumin oo aanay arintaasu dib u soo noqon, hadaad halkaas eegto 200 oo xabaal wadareed ayaa Hargaysa oo kaliyaata ku yaala, markaas in aan wax la ilaabay aanay arintan iska noqon oo aanay dib u dhacin, mana aha mid cid duunlaan loogu yahay, taarikhda umaddana maaha mid aan cidna uga habranayno.”

Waxaa isna halkaa ka hadlay wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo sheegay in aaska dadka halkan ku xabaalan la waafajin doono shareecada islaamka, waxana uu soo jeediyey bulshada in khubarada lagu gacan siiyo hawsha baadhitaanka ee ay bilaabayaan.

Baadhitaanadan ayaa la filayaa inay daaha ka faydaan xasuuqa xoogan ee shacbiga reer Somaliland uu u gaystey maamulkii uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Bare, waxaana si rasmiya loo kaydin doona dhibaatooyin taabtay dad tirobodan oo si aan kala sooc lahayn loo laayay eheladoodii.