Brazil: Sawir Naxdin Leh Oo Muujiyey Sinnaan La’aanta Nololeed Ee Ka Jirta Dalka Marti Gelinaya Koobka Aduunka

0
696

braSao Paulo (Geeska)- Warbixin kooban oo uu wargeyska Daily Telegraph ka diyaariyey sawir bar-kulannada bulshada ee Internet ka dunida oo dhan aad la isugu weydaarsanayey saacdihii u dambeeyey ayaa soo jiitay dareenka dad badan oo aad uga xumaaday qaabka foosha xun ee ay nolosha ugu kala tageen dadka reer Brazil oo u kala fuqay kuwo dabaqadda sare ah oo badhaadhe ku nool iyo kuwo baahan oo hoy iyo cunto midna aan haysan. Warbixintan Kooban ee uu wargeyska Geeska Afrika soo turjumay, oo uu cadadkii Jimcihii shalay ee Daily Telegraph ku qoray wariye Mahreen Khan, ayaa lagu yidhi;

Brazil, Dalka Marti-geliyey koobka kubadda cagta adduunka ee sannadkan 2014, ayaa laga yaabaa in uu si fiican ugu guulaysto munaasabadda furitaanka ciyaarahan, laakiin hal sawir oo laga soo qaaday munaasabaddaas ayaa si weyn u qaawiyey kala fogaanshiyaha nololeed ee ka jira dalkaas. Sawirkan oo hoosta lagaga qoray, “Labada weji ee Brazil” oo ku qoran afafka Ingiriisiga iyo Isbaanishka, oo lagu faafiyey bar-kulanka bulshada ee Twitter, ayaa waxaa ka muuqda mid ka mid ah dadka reer Brazil ee kubadda aadka u xiiseeya oo xashiish ku tuuraya weel-xashiish weyn oo gudihiisa ay hoy ka dhigatay gabadh dhalinyaro ahi.

Sawirkan muujinaya gabadhan faqiirka ah ee hoyka iyo isha ay ka qadhaabato ka dhigatay weelkan loogu talo galay qashin-qubka oo khamiistii la geliyey twitter ka, ayaa si baaxad leh daafaha dunida oo dhan ugu faafay, waxa aanay taasi marag u tahay sida dadka caadiga ah ee dalka Brazil ay uga cadhaysan yihiin in dowladdoodu ay marti-gelinta koobkan ku bixiso lacag xad dhaaf ah, xilli uu dalku ku jiro xaalado dhaqaale oo xun, loogana fadhiyey in ay arrintaas go’aamo adag ka qaadato si dhaqaale xumada looga badbaadiyo muwaadiniinta.

Waqti yar ka hor ciyaartii furitaanka koobka adduunku oo ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Sao Paulo ayaa ay booliisku sunta dadka ka ilmaysiisa iyo bambooyinka qiiqa ah ku kala dareeriyeen dibad-baxayaal lagu qiyaasay 200 oo ka cadhaysnaa kharashka xad-dhaafka ah ee ay dowladdu bixinayso. Mudaharaadada noocan ahina waxa ay ka dhaceen 10 magaalo oo ka mid ah dalkaas oo ay ku jirto magaalada Rio oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Brazil. Shaashado loogu talo galay in ciyaarta laga daawado oo lagu rakibay xeebta caanka ah ee Copacabana ayaa iyagana habeen hore dad cadhaysani burburiyeen xilli ay socotay ciyaartii furitaanku.

Dalka Brazil ayaa marti-gelinta koobka adduunka ku kharash-garaynaya Lacag dhan 6.7 Bilyan lacagta reer Yurub ah (Euro), iyada oo la og yahay in Malaayiin dadka dalkaas ahi ay ku nool yihiin faqriga halka ugu hoosaysa isla markaana aanay helin adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, oo uu ka mid yahay caafimaadka oo lacag ahi.

Tan iyo intii uu dalku ku dhawaaqay marti gelinta koobkanna waxaa ka jiray kacdoonno dadweyne iyo xiisado siyaasi ah oo mararka qaarkood dib u dhac ku keenay dhismaha xarumaha iyo garoomada loogu talo galay marti-gelinta koobka, waxa aanay dib-baxayaashu siteen boodhadh waaweyn oo ay ku qoran tahay, “Fifa ha tagto gurigeedii” iyo “Koobka Adduunka ee musuq-maasuqa”

Si kastaba ha ahaato ee madaxweynaha dalka Brazil Dilma Rousseff ayaa ku adkaysanaysa in marti-gelinta koobkani sharaf u tahay dalkeeda, isla markaana u soo jiidayso dalxiisayaal badan iyo dhaqaale.