Boqor Buurmadoow Oo Mar Kale Ka Digay Cawaaqibka Ka Dhalan Kara  In La Kala Diro Guddiga Doorashooyinka

0
755

 

Hargeysa(Geeska)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa dhamaadka Somaliland ku tilmaamay in la kala diro komishanka uu hogaaminaayo Riya-raac, waxaanu dhaliilo aad u  badan u jeediyay xukuumada madaweyne Biixi.

Waxa uu Boqor Buurmadow uu sheegay in xukuumada madaxweyne Biixi ay ka haadisay dawlada dadka ka soo jeeda beeshisa ee goobo dhaqaale leh joogay, waxaanu ku tilmaamay kala taageerista musharaxnimada Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin mid aan macno lahayn, isaga oo ku sifeeyay niman isku haysta cad nin kale gacanta ugu jira.

Boqor Buurmadow ayaa sidan ku sheegay waraysi uu siiyay weriye Badri oo ka tirsan  tilifishanka Sahan, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaayay kala tirista komishanka hadda jooga waxa uu yidhi “Riyo-raac iyo gudidiisu waxay mareen dhamaan sharcigii  qof muwaadin ah lagu dooran jiray waana qof muwaadin ah  oo sharciya oo halkaas fadhiya, afar oday oo cid alle iyo cid ay ogolaansho ka haystaan aanay jirin oo xataa aan reerahooda ka haysan ogolaansho oo intay iska riyoodeen hadal iska yidhi hdadii xukuumaddu ay arinkaas maanta qaadato oo ay ku dabacdo, barina waxa imanaysa afar oday oo beeshayada ah intaan soo kaxaysto in aan baarlamanka  hala baabiyo, guurtida ha la baabi’iyo oo madaxweynuu ha is casilo, dabadeena taasi ay noqoto  burburkii Somaliland, waa sharci daro waa nidaam daro waxan laga hadlayaa qaabka loo weerarayaana waa qaab beelaysan waxbana kuma hagaagayaan, wax ka soconayaana ma jirto.”

Waa uu sii watay ka hadalka komishanka Boqorku waxaanu yidhi“ Waxaan u malaynayaa cawaaqib xumada Riyo-raac inay Somaliland ku noqon doonto ninkii yaraa ee Tuniisiya  ay ku gubatay ee todobada dal ee kalena ay ku baaba’een, Somaliland halkii ay ku baabi’ilahayd  in laga shaqaynayaan u arkaa, waayo waa haayad jira oo sharci ah oo dastuuri ah ayaa la rabaa in si beelaysan loo badalo.”

Boqor Buurmadow ayaa ka hadlay tartanka Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin waxaanu yidhi“ Facebook ayaan ku arkaa caruur wax kala taageeraysa laakiin dhaqanka Habr-jecladu sidaas maaha, dhaqanka Habarjecladu waa mid adag dhaqan warbaahin iyo inamo yar yar oo wax kala taageeraa ay hogaamiye Habarjeclo ah ku soo saaraan  maaha, Habarjeco geed ayay isla tagtaa, haddii ay noqoto wax reerka u yaala go’aan ayaa laga soo saaraa, qabyaalada Habarjeclo-nimada dhexdeeduna ma shaqayso sida beelaha qaarkood ay isku riix riixi karaan. Waxa taala meesha runtii anaga waa nalagaga shubtay jeegaantii  iyo xidhiidhkii aan wada lahayn, madaxweynaha iyo beeshiisaba waxa isugu kaaya danbaysay maalintii aanu halkaas Plaza Hotel aan ku heshiinay ee hadana aanu Green Plaza isugu nimi markii aan madaxweynaha soo saarnay  balamihii iyo waxii aanu madaxweynaha ku heshiinay dib isku maanu arkin beel ahaan, xisbiguna xisbi waa yahay laakiin sida Soomaalidu u dhigan tahay xisbi waliba beel ayuu dhabarka ku hayaa  oo taageerta  xisbiyada Somaliland wali kamay gudbin beelihii, inaan Kulmiye beel ku taageeraynay waa wax cadaan ah, waxay iila muuqataa arintan Maxamed iyo Maxamuud Xaashi laysku lisaayo maaha go’aan Habarjeclo, waxaan u arkaa labadii bisadood iyo daanyeerkii  uu hilibka u qaybinaayay, waxan laysku eryanayaa waa waslad cidi iska haysato, Habarjeclana danbas cidla ah ma kulaalayso,Maxamed iyo Maxamuudkaas laysku eryayaana aniga waa isugu kay mid  mana kala dhawaysanaayo midna gacanta waxba kuma hayo, Habarjeclo cidii wax ula timaada  siyaasadii hore waa lagu soo kala foosaye  waa lagu kala shubay oo baabkuna waa maftuuxe,Hadii Habarjeclo ay Waddani wax kala timaado kaas ayay taageeraysaa  haday Ucid kala timaadana kaas ayay taageeraysaa  haday Kulmiye kala timaadana kaas ayay taageeraysaa, labada nin ee gidaarka isku haysta waxaan ku kala taageernaa nooma muuqato.  Siyaasada Habarjeclo halkaas ayay fadhidaa waana isku talo  cidii u baahan ee u soo dheeraysa iyadaa  loo soo kala dheeraynayaa anagu cidna baryimaynee, madaxweynahase waxaan u arkaa inuu wakhtigu ka lumaayo.”

Waxa uu sheegay ugu danbayntii inay ku khasaareen beel ahaan doorashadii ay u codeeyeen madaxweyne Biixi “ Ma diidani inaan ahay ragii ugu horeeyay ee madaxweyne Biixi taageeray hadeerna mucaaradkuma ihi, iskumana dhawin  oo dadka albaabkiisa gala ma ihi, mucaaradad aan u hayo oo aan leeyahay dadka halagu kiciyana  ma arko  in jaanis la siiyo ayaan qabaa laakiin markaan idhaahdo beel ahaan, Taageeradii aanu Muuse Biixi taageernay kamaanu faa’idin ee waanu ku khasaarnay, doorashada marka la tixgalinaayo nin waliba waxa uu ilaashadaa dadkiisii wax taray madaxweyne Biixi labada degmo ee ugu taageerada  badnaa waxa weeye Garadag iyo Ceel-afweyn, Ceel-afwen waa B waana degmooyinkii qadiimiga ahaa  horumarkii ay galisay dawladiisu 2% ama JPLG ilaa tii shalay u danbaysay cunaqabatayn rasmi ah ayaa lagu hayaa kamay faa’idin beel ahaan, wax kale iska daayo shacbigii aan waayeelka u ahayn ee dawlada ka shaqaynaayay meelaha dhaqaalaha leh kuli waa laga haadiyay,kuwii gaar loo lahaa ayaa qiin-qiir ku jira inay sii fadhiyaan waxa dadkaba ka shaqaysta labada inan midna wakiilka u yahay Fly Dubai midna Carabiya labadiina meereeyaha madaarka joogaa cidhiidhi ayuu ku hayaa, ma garan karaayo meel uu balanta ka haysto shaqaalihii caadiga ahaa ayaan ka faa’idin, xisbi ahaan baanaan taladii iyo nidaamkii waxba loola lahayn deegaankii soo doortay ee u godoboobay ayaanay dawladu waxba ku celin, waxaanu leenahay madaxweynuu ha jiro ha joogo ha noolaado, shaqadiisana ha qabsado laakiin waxaanu eed danbe ugu galnaa nooma muuqato hada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here