Boqor Buurmadaw Oo Sheegay Inuu Saxaafadda La Hadli Doono Bisha Shuwaal Ka Dib, Muujiyayna Inuu Soo Wado Jaal Siyaasadeed Oo Cusub

31
2924

Hargeysa(Geeska)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow, oo dhawaan cafis madaxweyne kaga soo baxay xabsiga dhexe ee Hargeysa, ayaa sheegay inuu bishan shuwaal ka dib saxaafadda la hadli doono, kana hadli doono arrimo badan.

Boqor Buurmadoow, ayaa toddobaadkan wuxuu hadal ka jeediyay xaflad meher oo uu Hargeysa kaga qayb galay, taas oo ay joogeen siyaasiyiin ay ka mid yihiin hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirkii hore ee hawlaha guud Cali Maxamed Xasan (Mareexaan), xildhibaan Waabeeye oo dhammaantood isku saf fadhiyay, isagoo si gaar ah ugu soo hal qabsaday hoggaamiyaha xisbiga Waddani iyo Cali-mareexaan, oo uu sheegay inay maanta isku dhinac fadhiyaan, isna uu la joogo, isagoo u muuqday inuu ka hadlayo aragti siyaasadeed oo uu dhawaan soo bandhig doono. “Maanta waxaad aragtaan Xirsi awal ba hore ayuu u sii joogee Cali Mareexaan inuu ka soo jeedo [isku saf], ana ciddaan ahay waan ogaadoo waaniga xaggan ka jeeda, markaas halkan uun baanay noqonaysaa, waanan hadlayaa laakiin shuwaalkaan is dhaafinayaa, nin xadhigii yaraa ku baqanayana ma ihi.” Hadal nuxurkiisu sidaas ahaa ayuu boqorku ka yidhi madashaas, waxaana u dhacay sacab badan.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow, ayay maxkamadda gobalka Hargeysa ku xukuntay shan sannadood oo xadhig ah, ka dib markii markii uu degmada Carmo ee maamul goboleedka Puntland kaga qayb galay xaflad dhaqameed lagu caleemo saarayey beel-daajaha deegaankaasi oo uu hadal ka jeediyay. Laakiin Madaxweyne Biixi ayaa bishan boqorka ku soo daayay cafis madaxweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here