Boqollaal Dhimasho & Dhaawac Ah Oo Ka Dhashay Dibadbaxyadii ‘Cadhada Jimcaha’ Ee Masjidka Aqsa

0
530

Hargeysa (Geeska)- Dhimashada saddex ruux oo Falastiiniyiin ah iyo boqollaal dhaawacyo xaaladdoodu kala duwan tahay ah ayaa uu khasaaruhu marayey galabnimadii shalay, kadib markii ciidamada Yuhuuddu ay isku dayeen in ay xoog ku caabbiyaan dibadbaxayaal tiro badan oo ah Falastiiniyiin ka cadhaysan xayiraado iyo tallaabooyin amni oo ay Israa’iil ku soo rogtay masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa.

Dadkan oo ka cadhooday xayiraad la qaaday oo dhowaan Israa’iil saartay Masjidka iyo kamarado iyo qalabka baadhista amniga oo ay ku rakibtay masaajidka ayaa jimcihii shalay isugu soo baxay dibadbaxan loo bixiyey ‘Jimcaha cadhada’ oo hore ay Falastiiniyiintu ugu baaqeen, kadib markii ay khamiistii xukuumadda Israa’iil soo saartay go’aan ay ku diidayso in ay furfurto qalabkan amni ee ay masaajidka dhigtay, Falastiiniyiintuna diideen in la baadho.

Ciidamada Israa’iil oo adeegsanaya rasaas nool ayaa dilay saddex wiil oo ka mid ah dibadbaxayaasha, hay’adda bisha cas ee Falastiiniyiintuna waxa ay xaqiijisay in tirada dadka ku waxyeelloobay rasaasta nool iyo rasaasta rabadhka ah ee ay ciidamada Israa’iil isticmaaleen ay kor u dhaaftay 377 ruux oo Falastiiniyiin ah.

Israa’iil ayaa masaajidkan ku yaalla magaalada la haysto ee Qudus iyo hareerihiisa dhigtay askar ka badan 3 kun waxa aanay diidday in ay masaajidka galaan muslimiinta u socday salaadda jimce ee da’doodu Konton jirka ka yar tahay, taas oo keentay in ay dadku ku tukadaan bannaanka masaajidka.

Qulqulatooyinkan ayaa socday toddobaadkan oo dhan in kasta oo ay ka sahlanaayeen kuwa dhacay jimcihii shalay, jimcihii hore ayaa ay Israa’iil soo saartay amar ay ku xidhayso masaajidka, kadib markii saddex wiil oo Falastiiniyiin ah oo baastoolado soo qarsaday ay dileen laba booliiska Israa’iil ee goobta joogay ka mid ah, saddexdoodiina la dilay, laakiin markii dambe waa ay ogolaatay in ay galaan dadka ka weyn 50 jir, waxa aanay ku rakibtay qalab amni oo baadhis samaynaya.

Dibadbaxyo taageero ah

Dibadbaxyo lagaga jawaabayo baaqa Falastiiniyiinta ee dibadbaxa ‘Cadhada Jimcaha’ isla markaana lagaga soo horjeedo tallaabooyinka Israa’iil ay qaadday ayaa ka dhacay caasimado badan oo ka mid ah dunida Islaamka. Waxaa ka mid ahaa kumannaan dadka Urdun ka mid ah oo socod ku dhex maray shaaracyada Cummaan iyaga oo sita boodhad ay ku qoran tahay hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin, ‘Kacdoonka ha la wado illaa Qudus xorowdo’ iyo ‘Dhammaantayo Qudus ayaanu nafta u huraynaa’ waxa aanay ku tunteen calanka Israa’iil oo ay meelaha qaarna ku gubeen. Boqollaal dibadbaxayaal ah ayaa iyaguna salaaddii Jimce kadib isugu yimid badhtamaha magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan, si ay u muujiyaan diibadooda ficillada Israa’iil kula kacday masaajidka barakaysan, magaalada Kuweyt ayaa salaaddii Jimce kadib dadku isugu soo baxeen shaaracyada iyaga oo ku dhawaaqaya hal-ku-dhegyo ay ku sheegayaan in masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa ay u hurayaan dhiiggooda, halka ay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kuweytna soo saartay baaq ay ku dalbanayso in xayiraadda oo dhan laga qaado masaajidka barakaysan lana ixtiraamo dadka tukanaya.

Dalka Masar ayaa dibadbaxyo kooban ay isugu soo baxeen dadka mucaaradka ku ah xukuumadda dalkaas iyaga oo markan ka cadhaysan ficillada Yuhuuddu ka waddo masaajidka barakaysan, waxa aanay ku celceliyeen ereyo ay dawladda kaga dalbanayaan in dalka laga eryo danjiraha Israa’iil.

Magaalada Ticis ee dalka Yemen ayaa ay tobannaan ruux isugu soo baxeen salaaddii kadib si ay u muujiyaan cadhadooda ku aaddan dhibaatada ay Israa’iil ku hayso masaajidka Al-Aqsa iyo dadka ku tukanayaba. Laakiin dibadbaxyada ugu waaweyni waxa ay ka dhaceen dalka Turkiga oo ay magaalooyinka Istanbul iyo caasimadda Ankara iyo magaalooyin kalaba kumannaan qof oo sita calanka Falastiiniyiinta iyo Calanka Turkigu isugu soo baeen iyaga oo ku dhawaaqaya hal-ku-dhegyo ka dhan ah Israa’iil.

In ka badan 50 Caalim oo ka soo jeeda ururrada iyo jimciyadaha Islaamiga ah ee Turkiga ayaa iyaguna saxeexay baaq ay ku taageerayaan masaajidka barakaysan, kuna diidan yihiin guud ahaanba xaaladda adag ee ay Yuhuuddu ku hayso dadka reer Falastiin, waxa kale oo uu warmurtiyeedku si adag u cambaareeyey aamuska dalalka Carabta iyo Islaamku ka aamusan yihiin Israa’iil iyo weliba sida ay dalalka Khaliijka qaar ka mid ah iyo Masar ugu dhiirradeen in ay go’doomin saaraan dalka Qatar.

Meelaha kale ee ay dibadbaxyada ‘Cadhada Jimcuhu’ ka dhaceen shalay waxaa ka mid ah magaalada Kuala Lumpur ee xarunta dalka Malaysiya iyada oo ay dadku isugu yimaaddeen safaaradda Maraykanka ee dalkaas horteeda, kana dalbadeen in Maraykanku uu dawladda ay xulafada yihiin ee Israa’iil u sheego in ay joojiso ficilladeeda. Dadka reer Indooneesiya ayaa salaaddii jimce kadib iyaguna isugu yimid shaaracyada magaalooyinka waaweyn oo caasimaddu ku jirto si ay u muujiyaan dareenkooda la jira dadka reer Falastiin iyo masjidka Barakaysan.