Booliska Oo Xidhay Ganacsato Lagu Eedaynayo Kabo Magaca Alle Hoosta Lagaga Soo Qoray

0
540

Hargeysa(Geeska)-Booliska Somaliland ayaa shalay bacadlaha magaalada Hargeysa ka soo xidhay ganacsato lagu eedaynayo inay dalka keeneen  kabaha carruurta oo ay hoosta kaga qoranyihiin magaca Alle SWT.

Ganacsatadan oo la sheegay inay kabahan ugu tallo galeen inay iibiyaan maalmahan ciidda si ay carruurtu ugu ciiddo ayaa waxa lagu soo qabtay dabagal la sheegay inay sameeyeen qaybta war-doonka ee ciidamada Booliska, waxaana la sheegay in baadhista kiiskan loo gacan geliyay hay’adda baadhista dambiyada ee CID.

Afhayeenka ciidanka Booliska oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin,  laakiin hore ayaa sidoo kale magaalada Hargeysa loogu qabtay kabo xagga hoose lagaga qoray magaca Nebi Maxamed SCW.

Kabaha noocan ah ayaa mararka qaarkood lagu arkaa dunida Muslimka, waxaana ganacsatada u soo qariya shirkadaha sameeya oo ka leh dano iyo ujedooyin fog.