Hargeusa(Geeska)-Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa u jawaabay xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Md. Cabdirashiid Xasan Mataan.
Qoraal uu Boobe soo saaray wuxuu u dhignaa sidan “5tii Maarj, 2016ka oo maalin Sabti ah ahayd ayaan Istiqaalad ka bixiyay xilkii Xoghayaha Warfaafinta iyo xubinnimadii Xisbiga. Warqad hal bog ah oo intii tamartayda ahayd aan sarriigtay ayaan qoray, dib danbena wax uma odhan. Xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha waxba nama dhex-marin mana af-lagaaddayn. Xarunta iyo xilalka madhan ayaan soo qaaday. Soomaalidu waxay odhan jirtay: "Sheeg-sheeggeen hadhan."
Bishan Maarj 13dii 2016ka habeennimadii ayaan warbaahinta muuqaalka ah ka halacsaday nin hankiisu garoocan yahay oo hadalladaydii inta uu tix-raacay i maagaya.
Ninkan waxa loo magacaabay Xoghayaha Warfaafinta isaga oo jooga magaalada Xagal ee Berbera Bariga ka xigta. Madaxweyne-ku-xigeen ayuu u sharraxnaa, xaalkiisu se wuxu ku danbeeyay: "Maafishtaba keen." Xusul-duub madhan iyo xawaare madhan ayuu ku soo galay Hargeysa. Xafiiskii madhnaa iyo xilkii madhnaa ee aan ka xuub-siibtay ayuu xiise madhan iyo xarrago madhan kula dul ciiray. Ninkaasi wuxu shegay in uu u yimid afarran xa'ley ah oo aan madhnayn. Isaga laftiisa ayaan u maragsanayaa in uu xa'ley door ah oo madhan u yimid. Daliilkeedu wuxu yahay: Xil, xafiis, xog, xoolo iyo xamaan uu iga tirsaday midna ma jiro. Waayo-aragnimo afar iyo toban bilood ah oo aan maalin walba saddex saacadood shaqaynayay ayaan ka hadlayay. Isaguna maalintii ugu horreysay ee uu soo galay ayuu wax walba ku ogaaday in ay buuxaan. Oo muu in yar sugo bal wuxuu la kulmo. Haddana sidaas ayuu raalli ku yahay oo isku bogaadinayaa. Isaga laftiisa ayaa madhan.
Ugu danbaynna qaybo ka mid ah Dawlad-Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagaga maah-maahaa: "Madhan madhnaan dugsatay, waa madhnaanta madhnaanteed".