Boobe Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay In Xilka Laga Qaado Guddoomiye Cirro

0
508

boobe

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaradda Warfaafinta Somaliland Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa ka hadlay muranka iyo khilaafka ka aloonsan Golaha Wakiilada Somaliland, ee u dhexeeya XIldhibaanada Muxaafidka iyo kuwa Mucaaradka ah, waxaanu xusay in qodobo ka mid ah qodobadii ay soo jeediseen Golaha Guurtida in la jabinayo oo la doonayo in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada xilka laga xayuubiyo, taasina ay tahay sharci daro.

Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa ka hadlay Musharaxnimada Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay inay Xukuumadda caddeyn kari weyday cidda Musharixiinta u ah isla markaana qaban kari weyday Shirweynihii XIsbigeeda Kulmiye in aanay qaban kari Dooorasho.

Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa  sidoo kale ka hadlay Diiwaangelinta Madaniga ee ka socda dalka, waxaanu sheegay in wax lala yaabo tahay in iyada oo aan la ansixin Xeerka DIiwaangelinta in hadda uu Wasiirka Arrimaha Gudduhu uu Bulshada ugu baaqo in la is diiwaangeliyo.

Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa isaga oo Shalay Shir jaraa’iid qabtay ayaa ku baaqay in la ilaaliyo oo meel looga soo wada jeesto Nabadgeliyada, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Waxaad wada og tihiin in Madaxweynaha iyo Wasiirada, gaar ahaan  Arrimaha Gudduhu uu ku baaqo Diiwaangelinta Madaniga oo furan in la tago oo la is diiwaangeliyo, waxa kale oo aad og tihiin in Golaha Wakiiladu inuu Xeerkii siidayey oo uu ka gudbay, in kasta oo lagu muran san yahay, oo Golaha Guurtidu soo celiyey, oo aanu Madaxweynaha gaadhin si uu u saxeexo, oo uu Xeer u noqdo, waxa aan Xeer ahayn oo aanu Madaxweynuhu saxeexin ayaa aroor walba Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudduhu la taagan yihiin shaashadaha, oo ay leeyihiin tago oo is diiwaangeliya, iyada oo aan la soo hadal qaadaynin Diiwaangelintii Cod bixiyayaasha”.

Boobe Yuusuf Ducaale isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Markii Xisbiga Kulmiye isku qabsaday Musharaxa, oo inta uu Muuse Biixi soo sameeystay Sawirada oo uu Baabuurada ku dhejiyey oo uu isa sharaxay, ergo ay Saleebaan Gaal iyo Cabdi Waraabe ay ka mid yihiin ayaa arintii galay, go’aanadii ay gaadheen waxa ka mid ahaa si qaska iyo rabashadana loo soo gaabiyo, in aanay cidina Suuqa iska sharaxi karin, oo cid walba ay iska sharaxdo XIsbiga ay ka socoto, macnaheedu waa in haddii Xisbiga Kulmiye doonayo Mushaxa iyo ku xigeenkiisa waa inuu Golihii dhexe fadhiisiya, waxa ay ahayd in Xisbiga Kulmiye Shirweynihiisi bil kadib inuu Golihiisi dhexe fadhiisiyo, uu kari la yahay, Xukuumadda iyo Xisbiga intaas kari la’, oo Golaheedii dhexe fadhiisan kari la’ ee Musharaxeedii soo saari kari la’ ee Madaxweynuhu Madaarka dhinaca ka odhanaya Musharax ayaan ahay, ee Saylici Maansoor ka odhanaya Musharax ayaan ahay, ee aynaan garaynaynin Madaxweynaha cida ku xigeenka u ah, ee aanan garanaynin cida Saylici Musharaxa kowaad u ah, ayaa leh Doorasho ayaanu qabanaynaa oo Bisha June ku qabanaynaa, taasina mid suurtagalaysa maaha”.

Boobe Yuusuf Ducaale ayaa isaga oo ka hadlaya muranka iyo khilaalka ka dhex aloosan Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Muranka ka taagan Golaha Barlaamanka,Maalin dhawayd oo Afar Cisho laga joogo BBC-da waxa ka hadlaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiiilada iyo ku xigeenkiisa kowaad ee Baashe, labadooduba cod heshiisinayd oo nabadeed ayey ku wada hadlayeen, oo waxa ay yidhaahdeen Afar cisho ayaanu dib u dhignay Shirkii, dabadeed Maalinta Sabtida ayuu furmayaa, Ajandaha waxa ay inoogu sheegeen Miisaaniyada, Xubnihii Komishanka oo la ogolaado, iyo waxyaabo caynkaas ah, imika waxa aanu maqlaynaa, Ciidamo RRU ayaa lagu dhejiyey, Xilkii baa laga qaadaya , maamus ka xayuubin baa lagu sameeynaya, ayeynu maqlaynaa, waa waxyaabaha uu Muranku ka taagan yahay”.

Boobe isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaynu ognahay in Guurtidu dhex gashay, markii labada dhinaca ee Golaha Wakiiladu is qabsadeen, waxyaabihii go’aanka lagu gaadhay waxa ka mid ahaa in Shir-gudoonka imika jiraa inuu sidaas ahaado inta uu wakhtigu dhamaanayo, haddana waa adigaas arkaya in la leeyahay qoladii Muxaafidiinta ahayd, inay Shir ka xayuubin sameeyso”

Boobe Yuusuf Ducaale isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Anigu waxa aan dambi galayaa marka aan yidhaahdo daartaasi ma dhisna,weyna dhisan tahay, laakiin iyada oo 50-Wasiir, Wasriiro ku xigeen iyo Wasiro dawlayaal jiraan, iyo oo 50-Agaasime jiraan, iyada oo intaas oo Telefiishin, Idaacadood iyo Jaraa’id jiraan Xukuumad xaq inooguma laha inay tidhaahdo guulahayga sheeg sheega, Xukuumaday Goolaga sheego, marka aanu dafirnana na qabso”.

Boobe Yuusuf Ducaale oo ku baaqaya in ila ilaaliyo Nabada ayaa yidhi “Dalka ha la dejiyo, Nabada ha la ilaaliyo, dadku ciidan ma wato, wax alaale waxa uu wataa ma jirto, waxa keliya oo aanu ognahay ee aanu imaanka ku qabnaa waa ILLAAHAY ayaa awooda leh”