Berbera Iyo Xafladii Murashaxnimada Cali Qaran

0
524

Berbera(Geeska) – Munaasibadan balaadhan maalinti Axadii ee 16 May lagu qabtay hudheel Maansoor ee magalada Berbera shaacinta musharaxnimada Cali Jamac Caraale (Cali Qaran) isu soo sharaxay dorashooyinka golaha wakiladda Somaliland ee la filayo ay qabsomaan dabyaaqada bisha March sanadka 2017, waxana murashaaxani uu sharaxan yahay gobolka Saaxil.

1

Munaasiabadan oo sii heer sare lo soo agaasimay ayaa waxa kasoo qayb-galay salaadiin, cuqaal, waxgarad, siyaasiyiin, Xildhibaano iyo dhalinyaro tiro badan munasibaddan oo ahayd tii ugu balaadhanayd ee ka dhacda magaalada Berbera marka la eego miisaanka dadka soo buux dhaafiyey madasha Shaacinta Xildhibaanimada Cali Jamac Caraale, waxana xaflaada ka hadalo kala duwan ka jeediye salaadinta, cuqaal iyo masuliyin kala duwan.

Ugu horayn xaflaada waxa halkaasi ka hadlay Suldaan Jaamac Cismaan Aadan oo ka mid ah salaadiinta dalka ku magaac leh dalka Somaliland isago murashaax Cali Qaran, waxana uu sheegay inuu xildhibaankani yahay nin ku haboon xilkaasi uu higsanayo sidoo kalena wuxuu ugu duceeyey inuu Ilahay xilkaasi ku guuleeyo.

“Inaankasi wa inaan isago aniga ee deeqay, wuxuna igu deeqay umadda halka isugu timid ee dhalinyarada sharaftooda iyo wanaagooda ayaa ina deeqaday iyago kala yimid gobolada dalka oo dhan anagana wad naga farxisay anago ka nimid gobolka Maroodi Jeex. Dowladda ba ka jirta dalka ee xukumadda madaxweyne Axmed Silaanyo wa dowlada keliye ee dhalinyarada wax la qabata, waxana murashaaxa ugu ducenaya in uu ilahay xilka iyo murashaaxnimada uu ku guuleyoo.” Sidana waxa yidhi Suldaan Jaamac Cismaan Aadan.

Waxa kalo isna munasibaada ka hadlay Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule (Indhacase) Suldaan Xuseen Ismaacil Guleed, Suldaan Maxamed Maxamud Xanduule, Suldaan Axmed Cismaan Tuur iyo Jiif Caaqil Aadan Yusuf Dhancadde ayaa dhamaantood soo dhaweeyey musharaaxnimada Cali Jaamac Aadan Caraale iyago dhalinyarada kula dardaarmay inay musharaxaasi taageeraan una muujiyaan himilo muuqata iyo kalsooni shacab oo laysku halayn karro.

Ugu dambaynti xaflaada ka hadlay murashaax xildhibaan Cali Jaamac Aadan Carraale isago ka warbixiye hankiisa murashaaxnimo islamarkana uu balaanqaday arrimo badan uu qabaan dono gobolka Saaxil oo aanu noqon mid ku soo noqda gobolkiisa, waxana hadaladisa ka mid ah sidan “Dadka uu tartaami dona golayasha wakiladda Somaliland ee 82 mudane in shaa allah, waxana aan rajeenaya inan ku guulaysto doraashadda soo socota haddi ay khayre ee leedahay inaynu ku guulaysan dono.

Haddi eebe ee sahlo inan barlaamanka ku soo baaxo 82 mudane xildhibaanka ku soo baxa ayaan jecel ahay gobolka Saaxil inaan noqdo cod dheer iyo mid gabaan ba uu hiliyaa mid dhaqaale,waxbarasho iyo dhaliyarada ee ciyaaraha ama shaqo abuur aan usoo riidoo ee ay xaaq uu leedahay.”