Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay labada Doorasho ee uu Madaxweynuhu kala qaaday iyo dhaleecaynta Beesha Caalamka uga timid, waxaanu sheegay in mucaaradku sabab u ahaayeen in beesha caalamku faraha la soo gasho doorashooyinka Somaliland, wakhtigii ay talada hayeen.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu sheegay in xukuumadii uu madaxweyne xigeenka ka ahaa ay hirgelisay oo ay bixisay dhaqaalihii ku baxay doorashooyinkii 2003, waxaanu yidhi “Doorashadeenii Dastuurka 2001 inagaa ayaa kharashka bixinay, 2003-gii Doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Dawladaha hoose inagaa bixinay, Beesha Caalamku waxay ina soo gashay Doorashadii Wakiilada ee 2005, taasna Xisbiyadii Mucaaradka ayaa sabab u ahaa inay yimadaan, weynu isku tashan lahayne, anigu waxaan qabaa in Somaliland xagga Doorashooyinka isku tashato, oo waliba Dawladda iyo cid walba aan ku dhiirino in inta kalaba inaynaan kharash Doorashooyin u daba fadhiisan cidnaba,waayo marka la doono waa lagugu qaloocin karaa, waana arin khatar ah,Caalamku haddii ay Ictiraafka inaga caawinayaan diyaar baanu nahay, haddii Kaabayaashii i inaga baabay inaga caawinayaan diyaar baanu nahay oo waanu soo dhaweynaynaa, laakiin arimaheena gudaha in cid kale inoo timaado waxay nusqaan iyo khasaare ku tahay Somaliland, arinta kala qaadistuna waxay u taalay Maxkamada sare,
Madaxweynuhuna judhiiba waxay ahayd inuu u qoro Maxkamada sare iyo Guddida Doorashooyinka, waxaan leeyahay
Doorashooyinkana iyo
Doorashooyinka mustaqbalkaba inagu aynu isku tashano, haddii kharash la waayo qof walba oo reer Somaliland wuxuu awoodo ha bixiyo”.
Madaxweyne ku xigeenkii hore mar uu ka hadlaayey faragelinta Somaliya ee Somaliland ayaa yidhi “Madaxweyaha Somaliya marka hore talo gacmaha uguma jirto,oo Koonfur waxa haysta Ciidamo ajinabiya oo fara badan oo sodon kun ku dhaw dhaw, meeshana Qaramada Midoobay ayaa maamula, waana dawlad maqaar saar ah, marka Madaxweynaha Somaliya inta aanu ka hadal Berbera iyo Dekadiyo marka hore Koonfuri iyadu ha is xorayso, oo ha iska xoreyso Ciidamadan dul fadhiya iyo yeedhista loo yeedhinayo, Madaxweynaha Somaliya Kismayo iyo Bosaaso war kama hayo, marka waxaan u qabaa arinkaas uu afka ka yidhi arin siyaasadeed oo uu Doorasho ku doonayo, waxaana filayaa in aanu Doorasho ku helayn.”
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha ku dagaalamay Deegaanka Ceel Afweyn, waxaanu ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka iyo dhiiga daadanaya,waxaanu sheegay in aanu ALLE raali ka hayn in Dhiiga Islaamka la daadiyo, waxaanu ugu baaqay inay nabadda qaataan oo ay ka shaqeeyaan hirgelinteeda.