Beesha Caalamka Oo Culays Saaraya Kormeerka Doorashada Madaxtooyada Somaliland Ee 2017

0
853

Hargeysa(Geeska)-Dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa go’aan ku gaadhay inay si weyn uga dhex muuqdaan hanaanka ay doorashada madaxtooyada Somaliland u qabsoomayso.

Culayska iyo xaasaasiyada ay doorashadani leedahay darteed, dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa indho gaar ah ku eegaya doorashadan. Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in wadamadani bisha Oktoobar ee soo socota horaanteeda soo diri doonaan 15 safiir oo ka socda dalalka reer galbeedka iyo wadamada Afrika qaarkood, kuwaas oo uu warku sheegay inay eegayaan qaabka ay doorashadu u dhacayso iyo inay ku qabsoonto jawi xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale dalalkan oo ay dawladda Ingiriisku hormood ka tahay ayaa sannadkan kordhin doona goob-joogayaasha caalamiga ah ee doorashadan kormeeri doona, waxaana hadda la baahiyay qandaraaska hay’adda ama ururka horkici doona goob-joogayaashan. Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Rory Stewart, ayaa dhawaan sheegay in dawladoodda UK bixinayso  202 kun iyo 17 doolar (202,017) oo ah kharashka ku baxaya 60 ergo caalamiya oo xooggan ah, oo Korjooge/goobjooge ka noqda doorashada Somaliland. Sidoo kale dalal iyo ururo caalami ah ayaa iyaguna geestooda soo diraya ergo doorashada madaxtooyada Somaliland kormeerta.

Goob-joogayaasha ayaa la saadaalinayaa inay ku dhawaan doonaan amaba gaadhi doonaan 100 xubnood. Doorashadii 2012 ee u dambaysay waxa ay dalalkani Somaliland u soo direen 53 goob-jooge oo kormeeray kuwaas oo ka socday 17 wadan oo kala duwan.