Beesha Akisho Oo Caleemo Saartay Suldaan Cusub

0
726

Hargeysa(Geeska)-Beelweynta Akisho ayaa shalay magaalada Gabiley ee xarunta gobalka Gabiley ku caleemo saartay Suldaan Xasan Sheekh Muxumed oo noqon doona Suldaanka beeshan.

1

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay magaalada Gabiley, ayaa waxa ka qayb galay bulshada beesha Akisho, waxaana halkaas si rasmi ah loogu caleemo saaray Suldaanka.

Madasha Suldaanka lagu caleemo saaray ayaa waxa ka hadlay cuqasha, wax garadka iyo aqoonyahanka beesha Akisho, kuwaas oo duco u gudbiyay Suldaanka cusub oo ay Alle uga baryeen inuu xilka culus u fududeeyo.

Odayaashu waxay sheegeen inay isku raaceen soo xulista Suldaankan, ka dib markii uu Suldaankii Beesha Akisho geeriyooday Alle haw naxariiste.

Culimada Beesha ayaa iyaguna halkaas ugu duceeyay Suldaanka cusub ee Beesha Akisho, iyagoo Alle uga baryay inuu noqdo suldaan dadkiisa mideeyo oo wanaag iyo sharaf ku hoggaamiya.

Qaar ka mid ah haweenka Beesha oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Suldaanka cusub oo ay Alle uga baryeen inuu xilka u fududeeyo.

Suldaanka la caleemo saaray Suldaan Xasan ayaa ugu dambayn munaasibadaas soo afmeeray, waxaanu dadweynaha beeshiisa uga mahadceliyay sida ay u soo garab istaageen, isagoo ka codsaday inay mudada hadhayna garab istaagaan oo ay caawiyaan.