Hargeysa (Geeska) – Sheegidda beenaha yaryar oo lagu celceliyaa waxa ay hoos u dhigtaa awooddii ay maskaxdeennu u lahayd in ay dhaliso dareen taban oo beentaas diida, taasina ay waxa ay keentaa in aynu marka dambe ku dhiiranno sheegidda beenaha waaweyn.
Cilmibaadhis lagu daabacay majaladda Nature Neuroscience ee ka falloota cilmiga dareenwadayaasha ee dabiiciga ah, ayaa daaha ka rogtay caddaymihii ugu horreeyey ee tijaabo la sameeyo lagu ogaaday in beenta uu qofku sheego isaga si uu u ilaashado ama u helo dano qofeed oo u gaar ahi, ay si tartiib-tartiib ah u sii korodho, illaa uu aakhirka noqdo beenaale sheegi kara beeno waaweyn. Waxa aanay cilmibaadhistu sharraxday sida ay arrintani cilmi ahaan ku dhacdo.
Koox cilmibaadhayaal ah ayaa sawirro X-ray (Raajo) ah oo ay ka qaadeen maskaxda qofka waxa ay ku ogaadeen in shaqo-wanaagga maskaxda qaybteeda ku shaqada leh dareenka / shucuurta qofka oo lagu magacaabo Amygdala ay halka ugu sarraysa gaadho, marka koowaad ee uu qofku been dantiisa gaarka ah la xidhiidha sheegayo. Laakiin mar kasta oo uu qofku been sheego waxaa hoos u dhacaysa heerka dareenka diidmada ah ee ay soo saarayso maskaxda qaybteedan Amygdala, iyada oo taas beddelkeedana uu qofku sii kordhinayo beentii uu sheegayey oo weliba markan dambe si ku dhiirrasho iyo ku adkaysi ah u sheegayo. Waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in mar kasta oo uu hoos u dhacani sii socdo uu qofku ku sii dhiirranayo in uu been tii hore ka weyn sheegi karo, illaa ugu dambaynta ay gaadho in aanu ka dhowrsoon beentu si kasta oo ay u weyn tahay.
Koox xeeldheereyaal ah oo ka kala socday Kuliyadda jaamacadeed ee London iyo Jaamacadda Duke ee dalka Ingiriiska ayaa baadhitaan dheeraad ah ku sameeyey arrintan. Tali Sharot oo ku xeeldheer cilmiga neerfeyaasha, kana mid ahayd cilmibaadhayaasha ayaa mar ay warbaahinta u warramaysay waxa ay sheegtay in beenta iyo khiyaamada mar kasta oo uu qofku ku celceliyo samayntooda ay sii koraan.