Beelo Walaalo Ah Oo Buuhoodle Ku Dagaalamaya Iyo Baaqa Nabadeed Ee Cali Khaliif

0
841

Buuhoodle(Geeska)-Laba beelood oo wada dega magaalada Buuhoodle ayaa dagaal uu ku dhex maray halkaas kaas oo sababay dhimshada toban ruux iyo sida oo kale dhaawac badan oo la gaadhsiiyay cisbitaalka guud ee magaaladaas.

Buuhoodle iyo deegaanada ku hareeraysan ayaa lagu soo rogay bandoo, waxaana muuqata haatan inuu sii yaraanayo dagaalkaasi.

Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galay ayaa dagaalka ku tilmaamay ayaan daro iyo dhibaato xoogan oo uu doonayay inuu dadka deegaankaas ka saaro, sida oo kale wasiirka arimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)  ayaa isaguna dhankiisa beelahaas ugu baaqay inay nabadgalyada ilaashadaan isla maraasna wadahadal arimaha ku soo dabaalaan.

Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galay ayaa warbaahinta ka horyidhi hadalo murugo xanbaarsan isla maraasna ku baaqay in beelaha walaalaha ah ay nabadgalyada ka taliyaan, waxaana hadladiisa ka mid ahaa"Rasaastan meesha sida roobka u dhacaysay ee loogu talo galay cadow inaga ayaa isku garaacayna, Khaatumo iyo shirkeenan damaashaad loo dhigaayo iyo nacayb loogu tumaayo maahee walee qabiiladeenii ayaa magaalada isku dilaaya ayaan darada ina haysa ayayna ka mid tahay. fidnadaas awalba fartaanu wadnaha kaga haynay intaanu ka digi karaynay waanu ka dignay Alle aynu caqli iyo xigmad ka barino aynu inagu isku badbaadino, caruurtaydii iyo reerkaygii ayaan ka imi, dhaqaalihii iyo gacnasigii aan gacantaydda ku haystaan ka imi nolol ayaan u bartay, waxaygii oo dhan waxaan u soo huray umaddan inaan masuul ka noqdo."

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo dagaalkan ka hadlaayay waxa uu yidhi "Arintaas aad iyo aad ayaanu ugu xunahay waxaanuna ugu baaqaynaa beelaha uu dagaalkaasi ka dhex socdo inay arintaas hakiyaan oo joojiyaan oo waxii khilaafaad ah iyo waxii ay isku hayaan iyo waxii dhibaato ah ee dhex yaala loo daayo inuu caqligu shaqeeyo in laga wada hadlo oo xal loo helo, reeraha kale iyo inta wax garad ah ee joogtaba inay ka shaqeeyaan inay dhibaatadaas hakiyaan oo kala dhex galaan oo ku simaan odayaasha iyo wax garadka iyo waxii awood haya ee arintaas joojin kara."

Ugu danbayntii wasiirka arimaha gudaha Yaasiin Faratoon oo ka hadlaayay waxa ay Somaliland arintaas ka qaban karto waxa uu yidhi" Dawlada Somaliland aad ayay uga shaqaysay nabadgalyada beeshaas Buuhoodle waxay doonaysaa inay arimaheeda oo dhan ku xaliso wadahadal  iyo nabad  iyo isku soo dhawaansho, kalsooni iyo in dadkeedu is ogalaado, taas ayaa ka siyaasad ah oo ay doonaysaa inay kaga shaqayso hadii dadku diyaar u yahay."