Beelaha Galbeedka Iyo Bariga Burco Oo Iclaamiyay Wakhtiga Ay Qabsanayaan Shir Dhex Mari Doona

0
618

Hargeysa(Geeska)- Beelaha bariga iyo galbedka Burco ayaa shaaciyay inay socoto qabanqaabada shir dhex mari doona kaas oo ay kaga hadli doonaan sidii ay isku laab-xaadhan lahaayeen isla markaasna ay wadashaqayn hor leh ay u dhex mari lahayd.

Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali ayaa sheegay inay dhankooda gogasha dhigeen waxaanu faah faahiyay waxyaabaha shirkaasi lagaga hadli doono“ Habar-jeclo ayaa gogol  dhigtay oo waxay u dhigtay walaaladood shirkii ayaa maanta laysugu yimi oo mudadiisii iyo qabanqaabadiisiiba maanta ayaa laysugu yimi, waxa la qaatay 15 maalmood oo mudo ah iyo Burco in laysugu yimaado, gudoonkii sidaas ayuu ku dhacay shirkaasina shir siyasadeed maaha  waa shir dhaqan waa shir beeleed, waa shir deegaan waxay ka wadahadlayaan waxii ay gudahooda kala tirsanayeen iyo dhaqalahooda  iyo wanaag falidooda  iyo siday dhulka u dhisan lahaayeen ayuu shirkaasi ku saabsan yahay, waana shir walaaltinimo iyo is laabxaadhasho, shirkaasi mid siyaasad shaqo ku leh maaha.”

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa dhankiisa isaguna waxa uu ka sheegay shirkan jaraa’id ee wada jirka ugu qabteen labaa beelood hogaankoodu Hargeysa sidan “  Munaasibadan aan isugu nimi  ee isla qaadanay beelweynta Habar-jeclo iyo Beel weynta Garxajis  shirkii dhawr goor oo horena aanu mudaynay  gabogabadiisii in ay 15 bishan noqoto insha allaahu madashuna ay Burco noqoto in halkaas laysugu tago oo aan ka sheegno, in loo diyaar garoobo shirka oo cid waliba xilka ay ku leedahay  ay ka qadato diyaar garwogiisa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here