Dawladda Maraykan waxa ay qiratay in ay tan iyo sannadkii 2002-da maamulaysay barnaamij aad u sir ah oo waaxda Federaalka ee baadhista FBI u fasaxaya in ay la socoto masaajidda iyo guud ahaan dadka muslimka ahi meelaha ay deggen yihiin, shaqada ay qabtaan. Majaladda US News and World Report ayaa boogeeda Internet ka ku faafisay in sirdoonka Maraykanku si gaar ah ula socdo dhaqdhaqaaqa goobo tiradoodu ka badan tahay 120 oo ay muslimiinta Maraykanku aad u yimaaddaan. Goobahaas oo isugu jira masaajiddo iyo meherado ganacsi ayaa uu maamulka Maraykanku ka raadinayaa in uu ka helo marag iyo caddaymo la xidhiidha xog uu hayo oo ah in uu Maraykanka ku soo maqan yahay weerar la adeegsanayo bambooyin iyo shucaac Nukliyeer ah.
Warbixinta majaladdu waxa ay sheegtay in hawlahan dabagalka sirdoonka ee xafiiska baadhista dembiyada iyo kooxo ku xeeldheer tamarta Nukliyeerku wadaan ay mararka qaarkood keenaysay in xubno ka mid ah baadhayaashu ay iyaga oo aan fasax maxkamadeed haysan xoog ku galaan guryo iyo hanti ma guurto ah oo ay baadhaan, taas oo sida sharciyaqaannaduba sheegeen baalmarsan xeerarka dalka.
Sir culus
Barnaamijkan dabagalka ku haya muslimiinta oo ay xukuumaddu u bixisay ‘Sir culus’ waxa uu si rasmi ah uga shaqeeyaa caasimadda Maraykanka ee Washington iyo magaalooyin kale oo ay ka mid yihiin Chicago, Seattle, New York iyo Las Vegas, waxa aanu barnaamijku si rasmi ah u bilowday intii ka dambaysay weerarradii 11kii Sabtembar 2001.
Majaladdu waxa ay sheegtay in qaar ka mid ah saraakiisha sirdoonka Maraykanka ee ka shaqaynayey barnaamijkan in shaqada laga eryey kadib markii ay su’aalo ka keeneen sharcinimada arrintan.
Laakiin afhayeen u hadlay FBI ayaa hay’addiisa ka difaacay in ay wax qalad ah samaysay, waxa aanu ku dooday in dhammaan hawlaha hay’addani samaysaa ay yihiin kuwo sal sharci leh, kuna tiirsan xogo sirdoon oo la xidhiidha haddidaad iyo cabsi argagaxiso ama dembiyo kale la xidhiidha oo la helay.
Waxa uu masuulkani intaas ku daray in shaybaadhada lagu sameeyo hawada ku xeeran goobahan sirdoonku dabagalka ku hayo oo ay masaajid iyo guryo muslimiintu leeyihiin ku jiraan ay ku timid cabsi laga qabo in ururka Al-Qaacida uu qorshaynayo in uu weerarro uu adeegsanayo Nukliyeer ama shucaac uu ku qaado Maraykanka.
Dareen celinta
Fashilinta basaasiddan qarsoodiga ahayd waxa ay abuurtay in hoggaamiyeyaasha muslimiinta ee dalka Maraykanku ay dareen cadho leh kaga jawaabaan ficillada xukuumadda madaxweyne George Bush, iyaga oo ku doodaya in ay meel kaga dhacayso xuquuqdoodii shakhsiga ahaa ee shuruucda iyo dastuurka dalku u ogolaa. Waxa ay abuurtay xaalad cabsi ah oo ay muslimiinta Maraykanku qaateen shucuur ah in ay yihiin bartilmaameed si gaar ah xukuumaddu u beegsanayso.
Dhinaca kalana arrintan iyo tallaabooyinkii hore sirdoonku u qaaday ee ay ka mid ahaayeen in la dhegeysto talefannada dadka iyo xeerkii la dagaallanka argagaxisada ee weerarradii kadib uu dhaqangeliyey madaxweyne Bush oo dhigayey qodobbo madaxweynaha awood u siinaya in uu awood kasta oo uu u baahdo adeegsan karo marka ay keento in la’ la dagaalamo argagaxisada, ayaa u muuqda in ay sabab u noqdeen in xadgudubyo badani ku dhacaan muslimiinta.
Wargeyska New York Times ayaa isaguna qoray warbixin sheegaysa in wakaaladda amniga qaranka ee Maraykanku ay ku kacday tallaabooyin basaasid ah oo ay ku akhrisanayso farriimaha E-mailka ah ee ay diraan ama helaan dadka deggen Maraykanka iyada oo aanay xukuumaddu fasax sharci u qaadan.
Wargeysku waxa uu ka soo xigtay masuul hore uga tirsanaan jiray mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee isgaadhsiinta ee dalka Maraykanka, ‘In intii ka dambaysay weerarradii 2001-da lagu qaaday Maraykanka ay shirkadaha isgaadhsiintu kaydiyaan xogaha gaarka ah ee talefannada gacanta dadku isku dhaafsadaan, kadibna xogtaas ay dawladda dhexe”