Gabaygan waxa tiriyay Abwaan Axmed Colaad Digaale (Qorane) waxanu ku saabsanyahay horumarka laga gaadhay musuqmaasuqa iyo boobka hantida qaranka waxana la tiriyay taariikhdu markay ahayd 2016/11/14
Waxana uu yidhi
Baryahaa xuseenaw abwaan baaqayaan ahay e
Hadaan mawdka lama baajiyee nolol ku baashaalo
Kolba boogta iimuuqataan baana leeyahay e
Baadida islaameed dugaag baylah tiri waaye
Adigoo aroortii ubaxay boholuhuu joogay
Bidhaantaada goortuu arkuu booca kariyaaye
Sidii suufi jaad badan cunoo foox budhbudhinaaya
Oo baala xooftada indhaha baasha utaagay
Booxaaligiisaa libaax ba’an la moodaaye
Baqariyo hadii lagu akhriyo bariyo yaasiinka
Bogsanmayso been iyo naftii barata laaluushe
Waa waxa garsoorkii bahdilay qaad la bixiyaa e
Baayacad mushtari bay noqdeen ruuxa baayaca e
Baruur xumi baruuryaha kalay wada balaysaaye
Maantana baraarkii danbaa raacay budulkiiye
Boqolaal dilaal baa kacoo been ku xoogsada e
Hayeeshee dhawaaq loo bogaa soo dhawaan baxay e
Basar xumada nimankii yiqiin baadhashada jeebka
Imikaa bilays loo dalbaday bahaladii qaar e
Badhna waa xidheen qaarna waa baafiyaan wali e
Hadii anu bayaankii dhawayd dhaqanku beenaynin
Cadligii bakoorada qabaa soo baraarugi e
Midkaloo la baabaa jirtoon soo bandhigayaa
Burburkii dadwaynaha ku dhacay barakicii gaadhay
Musuqmaasuqii baa buloo baawar loo helaye
Ragna waa bursaday qaarna waa beer cadaad wali e
Ayaxii bandawgii dhashaa baal dilaacsaday
Baska shacabka goortaan koreen bari usoo jeeday
Jidka baalihiisiyo markaan bidixda eegaayo
Boqcadihii shaqaaluhu lahaa duul kalaw ubaxay e
Waa booli qaran daarahaad bilicda yaabtaa e
Injidii bakhaarada badnayd buul kamuu hadhin e
Bariiskii abaaraha la waa bayt la sii dhigo e
Barihii taraafiguna waa baan nin leeyahay e
Bal tiyaatarkii daya halkuu bile u waageeray
Bahal suurad bini aadmi loo beel dayacan haysta
Adiguba bal eegoo hadii xerada loo buuxsho
Bakhti kama xishoodoo dhurwaa baari noqon waaye
Boqno gooyihii baa gadaal buur qabiil koray e
Beensheegi maayee intaan biida ka higaadshay
Odhadkii wax beeqijiray wuu ka baaqsaday e
Dhismihii balaadhnaa markay udubtu boobaysay
Baarlamanku waa wada ogaa baladka taagnaaye
Moobeelkan loo bogay hadaan loogu shubin biilka
Bishimaha maxay uga xidheen baadilka umuuqda
Wax la soo baqoolaba markii bacadka loo saaray
Birmadbay shacbigu eegayeen baahi loo qabay e
Burka bahalba kama fiirinayn soo gadaal baxay e
Darkaloo ka ba’an baa yimoo baaqigii cunay e
Boostiyo guryii booliskiyo aqalkii buugaagta
Badhtamaha magaalada ninkii booqday soo aragye
Badhna way gadeen qaanra way baayacaan wali e
Midkaloo la baabaa jirtoon kuu bandhigayaaye
Berjeex iyo xeryii baalehee buuxi jiray waayo
Badhtama habeenkiyo ilaa waaga barigiisa
Baabuuradaa lagu raraa biraha waawayne
Mid kaloo labaabaa jirtoon kuu bandhigayaaye
Gumaysiga badraankii markuu beerka naga fuulay
Warmihiyo bilaawaha ninkii boodhka ka afuufay
Bilaalaha halyaygii udhigay culimadii baydhay
Dugsigii bashiir lagu xusuu beecu marayaaye
Waxay beeshu uqa qayliyeen waa war soo baxay e
Midkaloo la baabaa jirtoon kuu bandhigayaa
Barri nooma nooliyo dhulkii baaxada lahaaye
Baadiye kol ay tahay ragbaa looga dhigay boon e
Bino iyo baloogyiyo markii beerba la’idlaystay
Barbariyo bankii xoolahaa haatan loo baxay e
Marka taliska loo baratamee loo banboxo hawsha
Bilistiyo caruuraha waxay bacadka duubaan ba
Habro boorso wayn iyo waxay badaw ku doobyaan ba
Wuxuu laba bogleeyaba ninkii baarka sare fuulay
Guryo baala dheer iyo markuu buur u gado waayo
Bada inuu cunaa baan ka biqi baabkii kii xamar e
Inkastoon dhaliilihii badnaa yarahe baaqbaaqay
Bara nabadi joogtaa nimciyo barako taalaaye
Markaa suu dhaqaalaha bukaa dhab u barbaaraaye
Hubkan lagu basbeeliyo markay oloshay baaruudu
Basanbaaskii way garan ragii joogay barigiiye
Nin badhaadhe sheegtiyo ninkii biil hidin waayay
Dadku waa uwada baahanyahay meel badbaada’ ahe
Hayeeshee waxbaa iiga baxay buuqa maalmahan e
Banka qooqu wayskaga baqaa awrka baar qabahe
Waa baadi waxu roorsadaa bilaha roobaad e
Ma bariisto dhawr bari ratiga balo ku naaxaa e
Bulsha wayntu way garan inuu baarcadayn karo e
Bal an eegno wuxay doonayaan beel ay didiyaane