Badhasaabka Togdheer Oo Laalay Kalfadhi La Doonayay In Xilka Lagaga Qaado Maayarka Burco

0
516

Picture6Burco-(Geeska)-Badhasaabka gobolka Togdheer  Axmed  Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje),ayaa laalay Kalfadhi  ka dhan ah Maayirka iyo Maayir ku xigeenka Burco  oo ay doonayeen in ay qabsadaan qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha deegaanka  oo doonaayay in ay masuuliyiintan Dawladda Hoose hogaamisa u helaan dariiq ay xilka kaga qaadaan.

Badhasaabka gobolka Togdheer oo bayaan qoraal ah oo uu arintan isku hortaagaayo maanata Xafiiskiisa Burco  ka soo saaray ayaa Kalfadhigan aan caadiga ahyn ee ay qabsoomidiisa u soo gudbiyeen Xildhibaanadani ku tilmaamay in aanu cadayn isla markaana wakhtigan aanu suurto-gal ahayn .Bayaankan oo uu ku saxeex-naa Guddoomiyaha gobolka Togdheer oo lagu ogaysiinaayay golaha Deegaanka Burco iyo Wasaaradda arimaha gudaha oo Nuqul ka mid ah soo gaadhay Geeska Afrika ayaa u dhignaa sida tan.“ Sida uu dhigaayo xeerka maamulka degmooyinka iyo goboladu Qodobkiisa 67-aad farqadiisa kowaad xuruuftiisa (A ilaa G) ee ah xilka qaadista Duqa degmadda iyo Ku xigeenkiisa,sida uu qeexaayo kuma cada qoraalkii rasmiga ahaa ee aad iisoo gudbiseen Todobadiina Xildhibaan .Hadaba waxaan idin farayaa in aanu cadayn Kalfadhiga aad iisoo jeediseen suurtogalna aanu ahayn marka sharciga loo eego.Sidaa daraadeed waxaan si rasmi ah u Laalay Kalfadhiga aan caadiga ahyn ee aad soo jeediseen .”