Badhasaabka Gobalka Togdheer Iyo Isu-duwaha Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Warbaahinta Isu Mariyay Hadalo Kulul

0
582

Hargeysa(Geeska)-Wasaarada hawlaha guud iyo badhasaabka gobalka Togdheer ayaa eedaymo isugu jeediyay dhul ku yaala guriga badhasaabka gobalka Togdheer oo uu qof shacab ahi  dhisanaayo.

isu-duwaha wasaarada hawlaha guud ee Togdheer Cabdilaahi Cabdi Cige oo warbaahinta ugu horayntii la hadlay ayaa ku eedeeyay badhasaabka gobalka Togdheer inuu dhlkaas faasaxay, halka badhasaabkuna uu sheegay inay xukuumaddii hore bixisay.

isu-duwaha wasaarada hawlaha guud ee Togdheer Cabdilaahi Cabdi Cige oo Star TV la hadlaayay waxa uu yidhi"Guriga badhasaabka iyo kuxigeenka dhexdooda guryaha laga dhisaayo ee sharci darada ah guryahaas  oo lagu eedaynayay wasaarada hawlaha guud oo la leeyahay wasaarada hawlaha guud ayaa dhulkii fasaxday oo meelo aan munaasib ahayn dhisanaysa, waxaan halkan ka cadaynayaa in aan wasaarada hawlaha guud dhulkaas aanay shaqo ku lahayn haday heer gobal tahay iyo haday heer qaran ay tahayba,meeshii intaanu imika tagnay oo aanu is nidhi sawir ka soo qaada ayaa ay nagu kaliftay inaan ka nimaadno askartii guriga ilaalinaysay markii ay na tidhi haddii gaadhiga aad kamarada kala soo degtaan balanbaanu ku qaadaynaa inaan inanka intaanu kamarada ka qaadno aanu ka burburin doono."

isu duwahu waxa uu ugu danbayntii eedeeyay badhasaabka"Badhasaabku dhulkaas anigaa bixiyay ayuu igu yidhi.”

Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, badhasaabka gobalka Togdheer ayaa dhankiisa eedahaas iska difaacay arintana ku tilmaamay mid xukuumada u taala"Hawshaasi waa mid xukuumada u taala hadiise inyar aan kaa idhaahdo meesha nin dhintay ayaa lahaa oo la odhan jiray Ina Raan waanu iibiyay, ninkii kalena waa uu dhistay ee maxuu uga hadli waayay,ma kan imika jooga ayaa loo jeedaa oo la leeyaay magaalada maaha, hawshaasi xukuumada ayay u taalaa, xukuumadii hore ayaana siisay ina Raan oo biyaha ka shaqayn jiray waanu iibiyay, qof dhintay dadka qaarkood oo mag loo siiyay ayaa jira, markaas wax aanu ogayn inuu ka hadlo oo warbaahinta laysu mariyo raali kama noqonaayo, talaabadeedana waan qaadayaa."