Badhasaabka Gobalka Selel Muxuu Ka Yidhi Inay Dadkii Djibouti Qarxiyay Somaliland Ka Gudbeen?

0
554

Picture4Hargeysa(Geeska)-Badhasaabka gobalka Selel ee Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi, ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay dadkii dhawaan isku qarxiyay wadanka Djibouti ay ka talaabeen magaalada Lawyacado ee xadka Somaliland.

Mr. Waaberi, oo shalay u waramay telefishanka HCTV, wuxuu sheegay in haddiiba ay dhacday inay dadkaasi ka talaabeen xadka Somaliland aanay dib u dhici doonin, “Arrinkaasi waa wax dhici karaya, waana wax hore loogu tamanin, nin kuu digay kuma dilin waxay tahay arrin taxadir laga yeelanayo hadday maanta dhacday beri dhici mayso in si yar oo fudud xadkeena looga talaabo.” Ayuu yidhi badhasaabka Selel, waxaanu sheegay inaanay labada wadan xadkooda xidhin balse uu dhinac waliba ammaankiisa xoojiyay, “Djibouti may xidhin, inaguna maynu xidhin laakiin waxa la bilaabay taxadir oo qof aan la garanaynin ka talaabi maayo dhinaceena iyo dhinacooda toona.” Ayuu raaciyay.

Wuxuu sheegay inay maamul ahaan sameeyeen saddex kaantarool oo isaga dambayn doona hubinta iyo baadhista dadka galaya wadanak Djibouti.