Badhasaabka Awdal Oo Shalay La Wareegay Xilkii Guddomiyenimo Ee Gobalkaas

0
714

 

awdalHargeysa(Geeska)-Badhasaabka cusub ee uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay gobalka Awdal Md. Xasan Daahir Xadi, ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilkii loo magacaabay.

Munaasibad lagu qabtay magaalada Borama ayuu badhasaabkii hore Md. Maxamed Daahir Cabdalle ku wareejiyay xilkii laga qaaday, waxaana halkaas laga jeediyay hadalo kala duwan.

Badhasaabkii hore oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa muujiyay inaanu shiddo u arkayn xilka laga qaaday, isagoo muujiyay inay ka mid tahay sunaha dawladnimo. Wuxuu badhasaabkii hore soo hadal qaaday badhasaabka cusub oo hore uga tirsanaan jiray xisbiga UDUB oo ay  is adag iskaga soo horjeedeen KULMIYE, isagoo xusay in xil u dhiibista xubnaha UDUB ay  ka mid tahay isbedeladii uu KULMIYE umadda u balan qaaday.

Badhasaabka cusub oo ah nin Caaqil ah, ayaa hadalo uu isna halkaas ka jeediyay wuxuu ugu mahadnaqay badhasaabkii hore iyo masuuliyiinta xukuumadda ka socotay ee madasha fadhiday. Wuxuu sheegay inuu umadda ugu shaqayn doono dhexdhexaadnimo iyo daacadnimo, isagoo hogo tusaaleeyay hawsha adag ee ka hortimid badhasaabkii hore.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Wasiirka dib u dejinta, agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada.

Si kastaba ha ahaate Caaqilkan dhallinyarada ah laftiisa waxa hortaala hawl baaxad leh oo u baahan dedaal iyo dulqaad, kuwaas oo ay ugu horayso inuu wax ka qabto waxyaabaha ragaadiyay maamulka gobalka Awdal tan iyo intii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhalatay.