Baarlamanku Ma Beddeli Karo Go’aanka Shacabka Ee Dowladdu Yaanay Taageerada Kala Bakhaylin KULMIYE ..W.Q Jamaal Madar

0
2584

Nidaamka dimuqraadiga ah sidiisaba, awoodda siyaasadeed ee ugu sarreysa (highest political authority) ee dal ka jirta ee aan laga daba hadli karin lana beddeli karin go’aanka ay gaadhaan waa shacabka. Awoodaha hay’adaha dastuuriga ahna intooda ugu doorka roon waxa laga soo dhirindhiriyaa ama ay ka yimaadaan shacabka sida golayaasha deegaanka, baarlamanka, madaxweynaha iwm kuwaas oo dhammaantood ku fadhiya codka shacabka. Go’aanadaas ay shacabku wax ku doortaan waa lama taabtaan, awood beddeli kartaana ma jirto illaa muddadoodu ay dhammaato mooyaane.

841c2c0ae0a2cf5aeffc62c0e2264141

Haddaba waxaynu ognahay in 26kii June 2010, shacabka Somaliland ay doorteen oo awood buuxda siiyeen (full mandate) xisbiga KULMIYE oo uu murrashax ka ahaa madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Seylic inay talada waddanka gacanta ku hayaan muddo shan sannadood ah sida dastuurku qeexayo.

Haddii aynu dib u halacsano taariikhda gaaban ee doorashooyinka Somaliland ee ku dhisan nidaamka dimuqraadiga ah ee haatan  loo digo rogatay, ma jiro madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen keligood gooni u taagnaa oo aan xisbi ka tirsanayn oo shacabka reer Somaliland doorteen  ama awood buuxda siiyeen waayo marka horeba sharciga Somaliland ma oggolayn, immikana ma oggola, murrashax bilaa xisbi ah oo keligii gooni isu taaga (independent presidential candidates). Sidaa awgeed, Xisbiga KULMIYE iyo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka si loo kala reebi karaa ma jirto. Xaqiiqadu waxay tahay, madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo xisbiga KULMIYE ama gebi ahaanba way isla dhacayaan  ama way isla dhammeysanayaan muddo xilliyeedkooda xafiis (term of offices). Go’aanka ay shacabku gaadheen ee ay awoodda ku siiyeen xisbiga KULMIYE cid baabiin karta ama wax-kama-jiraan (null and void) ka soo qaadi kartaa ma jirto waayo nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu qaadanay ma jirto awood siyaasadeed oo shacabka ka sarreysaa. Baarlamanku wuxuu khaadim u yahay shacabka sidaa awgeed go’aanka shacabku waa inuu ixtiraamaa.

Haddaba go’aankaass ay shacabku gaadheen ee lagu doortay xisbiga KULMIYE iyo labadiisii murrashax ee Axmed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Seylici ma jirto awood kala reebi karta ama kala qaybin karta; mana jirto awood wax kama jiraan ka soo qaadi karta go’aanka shacabka illaa iyo inta muddada shanta sannadood ahi ay dhammaanayso. Arrintan hadda ka hor ayaan ku soo qaadnay maqaal ku soo baxay bogga Wargeyskan Geeska Afrika, waxa kale oo laga baahiyey Telifishanka HCTV.

Haddaba Laanta fulintu [executive branch] markay deristay ee yaqiinsatay in awoodda shacabku siiyeen xisbiga KULMIYE iyo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka in aan la kala goyn karin, sina loo kala qabybin karin, waxay madaxtooyadu la timi qorshe kale oo cusub oo ah sidii loo badbaadin lahaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo keliya haddiiba  ay timaado xaalad ah in xisbiga talada waddanka loo igmaday ee KULMIYE uu dhaco ama saaxadda siyaasadda ka baxo doorashooyinka deegaanka ee lagu talo jiro in sannadka dambe ee 2012ka la qabto.

Tallaabadaas cusub ee ay qaaday madaxtooyadu waxa lagu soo bandhigay qodob cusub oo lagu daray Xeer Lambar 14 oo uu dhawaan baarlamanka Somaliland ansixiyey hase ahaatee aanu baarlamanku marnaba awood iyo sharcitoona u lahayn inuu ansixiyo qodobkaas waqtigan xaadirka ah iyadoo muddadii shanto sano ahayd ee shacabka Somaliland u codeeyeen KULMIYE ay weli ka dhimantahay saddex sano iyo badh kale.

Baarlamanka Somaliland wuxuu isu qaatay inuu yahay awoodda ugu sarreysa ee dalka ka jirta (ultimate rulers) sidaa awgeedna ay awood u leeyihiin inay wax-kama-jiraan (null and void) ka soo qaadaan codkii aqlabiyadda ahaa ee shacabku ku soo doortay, awoodda buuxdana (full mandate) ku siiyeen xisbiga KULMIYE in muddo shan sano ah uu waddanka ka taliyo.

Baarlamanka lagu soo doorto nidaamka dimuqraadiga ah wuxuu sidiisaba adeege (servant) ama khaadim u yahay shacabka soo doortay; ayna tahay inuu had iyo jeer ka tarjumo oo ixtiraamo oo ilaaliyo go’aanada iyo rabitaanka shacabka (will of the people) uu adeegaha u yahay. Balse sida hoos ku cad baarlamankan Somaliland wuxuu ku kacay tallaabo lid ku ah nidaamka dimuqraadiga ah, waxaanuu isticmaalay awood aanu lahayn oo ah inuu masaxo oo waxba-kama-jiraan ka soo qaado awooddii shacabku siiyeen xisbiga KULMIYE June 2010.

Madaxweynuhu wuxuu golaha wakiilada ka codsaday inay kaabis iyo wax ka beddel ku sameeyaan Xeer Lambar 14. Goluhuna markuu arkay xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasadda Xeer Lambar 14/2011 wuxuu ansixiyey Qaybta 9aad, qodobka 24aad, faqraddiisa 3aad oo sidan odhanaysa:

Qaybta 9aad: Qodobbo Kala Duwan

Qodobka 24aad: Xisbiga Dhaca ama Ururka u Gudbi Waaya Xisbi

Faqradda 3aad:Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu waxay dhameysanayaan muddada xilkooda inta uga hadhsan haddii xisbigoodu soo bixi waayo waxaana u furan inay galaan xisbiga ay doonaan.

 

Qodobkan ay Baarlamanku ansixiyeen ma aha mid ay gole ahaan ay awood u leeyihiin inay ansixiyaan oo wax kama jiraan ka soo qadaan go’aankii uu shacabku gaadhay 26kii June 2010 ee uu awoodda buuxda ee shanta sannadood ah ku siiyay xisbiga KULMIYE iyo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Ansixinta qodobkani wuxuu suuragal yahay oo keliya markay shanta sannadood ee shacabku ay awoodda ku siiyeen xisbiga KULMIYE ay dhammaato 26 June 2015. Marka si kale loo dhigana wuxuu dhaqan geli karaa wixii ka dambeeya 26ka June 2015.

 Inta ka horreysa baarlamanku inuu beddelo rabitaanka iyo go’aanka shacabka awood uma laha. Xagguu ka keenay baarlamanku awoodda uu qodobkan ku meel mariyey? Baarlamanku ma xukumo shacabka ee shacabka ayaa xukuma baarlamanka. Shacabkuna go’aankoodii way gaadheen.

 

 Baarlamanku waa inuu dhagaystaa shacabka oo ilaaliyaa rabitaankooda. Haddii uu baarlamanku dhageysan waayo oo ixtiraami waayo go’aanka shacabka, markaa wuxuu noqonayaa baarlaman diktaatori ah ee ma noqonayo baarlaman dimuqraadi ah. Marka wax la dooranayo shacabka ayey taladu ka go’adaa (people are the ultimate rulers) sidaa awgeed wixii ay goostaan lama beddeli karo.

Nidaamka diktaatooiga ah awoodda ugu sarreysa ee wax kastaa ka go’aan waa hoggaamiyaha diktatooriga ah oo keliya kaasoo wax kasta kala beddeli kara, doortana cidda uu doono oo aan laga daba hadli karin, baarlamankuna wixii u keenaba shaabad ayuu ugu dhuftaa.  Hase ahaatee, nidaamka dimuqraadiga ah awoodda ugu sarreysa waa shacabka, shacabka Somaliland-na way hadleen oo go’aankoodii waxay gaadheen 26 June 201.

Haddii uu qodobkani sidaa ku hirgelo Baarlamanka Somaliland wuxuu noqon doonaa baarlamankii dunida ugu horreeyey taariikhda ee awooddii shacabka ee ugu sarreysay waddanka go’aankoodii iyo rabitankoodii wax kama jiraan ka soo qaada. Weli meel ay caalamka ka dhacday ma jirto xisbi talada waddan ku guulaystay oo uu baarlamankii wax kama jiraan ka soo qaaday go’aankoodii.

Xisbiga KULMIYE, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku waxay wada saaran yihiin huudhi qudha oo haatan soo dhex gooshayay badweynta muddo sannad iyo badh ku dhawaad ah, haddii baarlamanaku isku dayo inuu huudhigaa laba u kal gooyo sida haatan ay ku kaceen; waa in markaas ay ogaadaan in ugu dambeyntana ay wuxuba isla degayaan oo isla qaraqmayaan taasina ay khalkhal gelin karto waddanka.Awoodda shacabku bixiyey ee ay siiyeen xisbiga KULMIYE, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka waa isku mid qudha oo laba looma kala goyn karo.

Waa ayaan darro u soo hoyatay Somaliland waana lug-gooyo weyn oo la soo gudbuunaatay geedi-socodka nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu ku taamaynay inuu ka hana qaado Somaliland.

Haddii uu baarlamanku wax-kama-jiraan ka soo qaadi karo go’aankii ay shacabku gaadheen 20kii June 2011 ee ahaa in xisbiga KULMIYE muddo shan sano ah xukumo waddanka, waxa kale oo uu baarlamanku sidoo kale wax-kama-jiraan ka soo qaadi karaa, haddii uu damco, aftidii la qaaday 31kii May 2001 ee ahayd gooni isu taagga iyo madaxbannaanida Somaliland inay tahay lama taabtaan, gor-gortanna aan laga geli karin.

Haddii ay timaado xaalad ah inuu xisbiga KULMIYE dhaco, maxaa iman kara?

1)      Somaliland waxay noqonaysaa waddankii dunida ugu horreeyey ee aan xisbul xaakim aan lahayn.

2)      Waxa halkaas ka soo baxaya fool xumo wayn oo ah madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen taladii waddanka weli haya hase ahaatee xisbigoodii u keenay guusha uu saaxadda ka baxay.

3)      Waxa sidoo kale meesha ka baxaya barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE lagu soo doortay ee ahayd in lagula xisaabtamo dowladda.

4)      Madaxweynaha xaq dambe looguma yeelanayo inuu fuliyo ballaanqaadyadii ku qeexnaa barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE waayo xisbigii loo codeeyey ee la xisaabtami lahaa saaxaddaba wuu ka baxay.

5)      Waxa madasha xisbiyada soo fadhiisanaya saddex xisbi oo kale oo mid waliba wato barnaajkiisa siyaasadeed ee u gaarka ah oo ka duwan ka waddanka lagu dhaqayo.  

6)     Madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenku waxay noqonayaan summad laawayaal ama dibad-yaal aan xisbina ku tiirsanayn. Haddii ay markaas doortaan inay ku biiraan saddexda xisbi ee soo baxay mid ka mid ahna waa inay fuliyaan barnaamijka siyaasadeed ee xisbigaas ay ku biireen wato, kaasoo noqonaya mid ka duwan kii shacabku u codeeyeen ee KULMIYE soo bandhigay.

7)     Haddii ay dhacdo in madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku dib isu soo sharraxaan, waa in markaa xubnaha murrashaxa u ah xisbiga cusub ee ay ku biireen meesha laga saaraa isla mar ahaantaana la qanciyaa dhammaan golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbigaas, isla mar ahaantaana barnaamijka siyaasadeed ee xisbigaas la beddelaa oo uu noqdaa mid ay ku qancaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku. Taasina wax suuragal ah uma muuqato.

8)    Baarlamanka Somaliland wuxuu taariikhda ku galayaa baarlamankii ugu horreeyey ee hab dimuqraadiya lagu soo doortay laakiinse u digo rogtay inuu noqdo mid diktatoori ah oo wax-kama-jiraan ka soo qaada go’aankii ay shacabku gaadheen ee ay xisbul xaakimka KULMIYE, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ku doorteen 26kii June 2010.

9)     Haddii baarlamanka laga oggolaado meelmarinta qodobkan, markaas baarlamanku wuxuu yeelanaya awood siyaasadeed oo shacabka tiisa ka sarreysa, wuxuuna sidoo kale awood u yeelanaya inuu sidoo kale wax kama jiraan ka soo qaadi karo go’aankii shacabka ee aftidii gooni isu-taagga Somaliland. Ma jirto awood joojin karta baarlamanka haddii arrintaasi u meel marto. Waxaanay immika u eegtahay inay xadhkaha goosteen.

Haddaba madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka waxa la gudboon in marka uu waqtigeedu yimaado ay u ololeeyaan xisbiga KULMIYE oo ay ka tirsan yihiin kana soo baxeen, gacantoodana ku soo dhiseen.  Shaki kuma jiro inay  sharciyanna xaq u leeyihiin inay u ololeeyaan xisbigooda. Fikirka caamka ah ee dadweynahu wuxuu in muddo ahba u janjeedhay in xubnaha dowladda ee xisbiga KULMIYE ka tirsanaa oo dhami ay taageerada kala bakhaylayaan xisbiga KULMIYE inkastoo madaxweynuhu caddeeyey inay weli KULMIYE yihiin. Baarlamankuna dib ha isugu noqdo, dowladuna yaanay xisbiga taageerada kala bakhaylin oo aan hadhowto muran u iman.

Jamal Madar

adammadar@yahoo.com