Baarlamaanka Somaliya Oo Laga Mamnuucay Safarada Dibadda Ah

0
853

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Baarlamaanka Somaliya ayaa laga mamnuucay inay safaro dibada ah u baxaan.

bbb

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan (Jawaari) ayaa shalay ku dhawaaqay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya laga joojiyay dhamaan safaradii ay ku tagi jiren dalalka dibada.

Go’aankan ayaa ku eg sida Jawaari uu sheegay inta uu ka soo xidhmayo kal fadhiga imika u socda baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay waqti badan ku bixiyaan safarada dibadda, taas oo uu guddoomiyahoodu sheegay inay sababtay go’aankan uu soo saaray.