Baarlamaanka Somaliya Oo La Horgeeyay Mooshin Ka Dhan Ah Raysalwasaaraha

0
527

somaliaMuqdisho(Geeska)-Mooshin xilka lagaga xayuubinaayo raysal wasaaraha Somliya  Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa si rasmiya loo horkeenay baarlamaanka Somaliya.

Mooshinkan oo ay ku saxeexan yahiin 97 xildhibaan ayaa Arbacada soo socota loo qaadi doonaan cod, waxaanay xildhibaanada mooshinkan soo gudbiyay ay ku doodayaan in xukuumada raysal-wasaare Saacid in ay tahay mid fadhiid ah oo aan waxba ka qaban siyaasada,arimaha bulshada,amaanka, maaliyada iyo waliba inay samaysay ku tagri fal dhaqaalaha kooban ee soo gala dawlada Somaliya.

Sida oo kale xildhibaano ka horjeeda mooshankan ayaa dhankooda sheegay in aanay sax ahayn in xukuumada oo hawlaheeda hada bilawday kalsoonida lagala-noqdo waxaanay sheegeen in ay rajaynayaan in mooshinkaas uu noqon doono mid cod ku filan loo waayo.

Cumar Islaw  oo ka mid ah xildhaaanda abaabulaya mooshinka  kalsoonida lagala noqonaayo raysal-wasaare Saacadi iyo xukuumadiisa, oo u waramaayay laanta afka Somaliga ee BBC-da waxa uu isaga oo mooshinkaas ka hadlaaya uu yidhi “ Mooshinkaas waa mooshin ku saabsan in xukuumada kalsoonida lagala noqodo, xukuumadan waxa la ansaxiyay 17 bisha 11 bishan May 17-keeda ayaanay lixbilood oo ay jirtay ay ku eegtahay, intaas ay jirtay xukuumadu hawlo badan oo la rabay in  la qabto oo kuwo siyaasadeed iyo kuwo bulshoba leh may qaban oo waa ay ka baaqsatay, ilaa iyo hadana uma muuqado mid wax ka qabnaysa arimahaas, waad ogtahiin arimaha nabadgalaydu maanta meesha ay marayaan iyo maalintii xukuumadani ay qabanaysay meesha ay taagnaayeen,  lixdaas bilood xukuumadani fadhiid ayay ahayd oo waxba may qaban waana in  umadda laga hor kaxeeyo oo cid wax qaban karta oo karti leh la sameeyo . mooshinkana waxa ku saxeexan 97 xildhibaan. Wax qabadka dibadu waxa uu ku xidhan yahay sida wax looga qabto gudaha cidii ka faa’idaysan lahayd caalamka soo jeeda ee ficil u rogi lahayd ayaa loo baahan yahay, dhinaca maaliyada hadaan ka soo qaadano shuruuc maaliyardeed lama samayn oo haay’adahii maaliyada ilaalin lahaa si fiican looma dhisin maalin walba lacago faro badan ayaa laga soo qaadaa dekeda iyo meelo kaleba si toos ahana waa loogu tagri falaa.”

Maxamed Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada ka soo hor jeeda mooshinkan la doonayo In xilka lagaga xayuubiyo raysal-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid ) ayaa isaguna sheegay sidan “ Aniga sabab mooshinkaas loo keenaa iima muuqato iyada oo maanta loo baahan yahay in dalkii dib u dhis lagu sameeyo, baarlamaankii la rabay inuu wax toosiyaa hadii uu sameeyo mooshin xukuumadii ka dhan ah aniga ilama aha mid wanaagsan, una malayn maayo mooshin cod loo helaayo inuu noqon doono, xukuumaduna hada ayay hawsheedii runta ahayd bilawday beeshii caalamkuna hada ayay noo soo jeesatay, xildhibaanadu mooshin waa ay keeni karaan hadhawna cod uunbay u waayayaan.”