Annagoo ah taageerayaasha xisbiga XAQSOOR ee ku kala nool darafyada caalmka waxaanu si aan kala hadh lahayn oo mug iyo baaxadba leh u caambaaraynaynaa Guddiga Komishanka Qaranka iyo dowladda qowlaysatada isu-bedahshay ee uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee sida cadawtinimadu ku jirtay ee arxanka lahayn rasaasta la beegsaday dhallinyarada xaafadda Axmed Dhagax ee sida salmiga uga cabanayey sida qaawan ee badheedhka iyo ula kaca ah ee ay dowladdu iyo komishanka oo is-wataa ugu heshiiyeen in la boobo doorashada gaar ahaanna ururka XAQSOOR. Waxa haatan noo caddaatay oo aan in yarna caad naga saarnayn sida faashilka ah ee loo soo qorsheeyey in codadkii ururka XAQSOOR, qaarna la boobo, qaarna la qubo, musharaxiintiisiina meelaha qaarkood laaluush lagu kala diro.
XAQSOOR waa urur dhidibada loogu taagay caddaalad si beelaha Somaliland oo dhan la isugu soo dhaweeyo oo ay calan qudha u wada hoos hadhsadaan si qaranimada iyo madax bannaanida aynu sheeganaynaa ay u noqoto mid macno samaysa oo meel mar ah. Waxase soo shaac baxaday oo haatan marag ma doonto ah in dowladdu aanay muraad ka lahayn in beelaha darafyadu ay Somaliland ka baxaan iyo inkale balse ay kaga warwar weynayd sidii jab loogu geysan ururka XAQSOOR iyadoo la adeegsanayo agabka, waqtiga, maaliyadda iyo cududda dowladda.
Waxaanu gaar ahaan tilmaamaynaa qodobada soo socda:
Boobkii Seylac
Waxa markhaati ma doonto ah in denbiga laga galay xisbiga XAQSOOR laga soo maleegay halka ugu sarreysa ee dowladda taasna waxa daliil u ah sida badheedhka ah ee xishoodka iyo maamuuska madaxtinimo ka reeban ee uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici u boobay Seylac iyo Lughaye oo la iska garanyey inuu XAQSOOR codad badan ka helayey. Waxa moodaa haatan in madaxweyne ku xigeenka lagu taliyey in xalka yahay inuu waddanka ka baxo ka dib markii uu soo boobay goobahaas isagoo ka qayb galay shir hoose oo aan loogu talo gelin madax darajadoodu gaadhsiisantahay madaxweyne ku xigeen balse badhasaabo ku siman. Ujeedada uu u cararyna waxay ahayd in aan wax laga weydiin arrintaas inta natiijado soo baxayso. Xubno ka kala tirsan xisbiyada XAQSOOR KULMIYE iyo WADDANI oo ka soo jeeda beesha Seylac ayaa isku wada raacay boobka halkaas ka dhacay iyo ceebta uu ka dhigay madaxweyne ku xigeenku.
Boobkii Sool
Waxa sidoo kale marag ma doonto ah in xisbul xaakimka KULMIYE oo guddoomiyihoodii gobolkaas uu is casilay maalmihii u dambeeyey ee olalaha doorashayooyinka uu waayay ruux reer Sool ah oo taageersan KULMIYE sidaa awgeed uu is-casilay oo uu ku biiray ururka XAQSOOR.
Markuu ogaaday xisbiga KULMIYE marxallada uu ka taagan yahay gobolka Sool intuu ku soo shubtay ayaa lambarka labaad iskamuu dhigin ee wuxuu iska dhigay inuu lambarka koowaad yahay.
Waxa soo if-baxday in tuulada Xuddun uu ka soo sharraxay ururka XAQSOOR 13 xildhibaan lacagtiina laga qabtay. Hase ahaatee, guddoomiyahay Komishanka Qaranka ayaa liistadii 13ka xildhibaan ahayd ka qaatay 5tii ugu sarreysay oo keliya, kuna wargeliyey masuuliyiinta XAQSOOR in 8da xildhibaan ee dhinaca Dhulbahante ay is-xambaar ku soo baxayaan. Xildhibaanadii Xuddun shir jaraa’id oo ay qabteen waxay sheegeen in nabadi ka jirto goobtaas sidaa awgeedna doorashada laga qaban karo. Shaqaaqo ayaa ka dhacday aagaas maalintii doorashado meeshaas ka dhici lahayd taasina waxay dhalisay in la yidhaahdo doorasho kama dhacayso goobtaas. Sidaa awgeed halkii la wada kansal garayn lahaa sanaaduuqdii Xuddun oo dhan degmo ahaan waxa la dhigay qaar ka mid ah meel la yidhaahdo BOHOL halkaasoo codkii ka soo baxayna la kala siiyey WADDANI iyo UMMADDA.
Sanaaduuqdii loogu talo galay in lagaga codeeyo Xuddun, oo aan ka ahayn kuwa la dhigay BOHOL, waxa la geeyey xero milatari halkaasoo sida la doonayo looga soo cabbaystay.
Is-hortaagii Sanaaduuqda Sanaag Bari
Waxa Cad in gobolka Sanaag oo masuuliyiinta xisbiga XAQSOOR iyo komishanku ay ku heshiiyeen in la geeyo Dhahar iyo Badhan in daqiiqadii ugu dambeysay la iska dhigay magaalada Ceerigaabo taasoo lagu sababeeyey in ammaan darro ay ka jirto Dhahar iyo Badhan inkastoo ciidanka Qaranku uu si xoog ah u joogay goobahaas.
26kii November 2012, deegaanada Bariga gobolka Sanaag ayaa la sheegaya in ciidamada maamulka Puntland ee halkaasi ku sugnaa iyo masuuliyiintii maamulka ee kale ay iskaga soo baxeen dhammaan deegaanadaas kadib markii ay deegaanka soo galeen ciidamo aad u tiro badan oo ka yimid dhanka Somaliland. Magaalooyinka Dhahar, Laasqoray, Hadaaftimo iyo Badhan ayaa dhammaantood ay iskaga baxeen masuuliyiintii taabacsanaa Puntland iyadoo wasiir ku xigeenka amniga Cabdi Jamaal Cismaan uu ka mid ahaa masuuliyiinta halkaasi iskaga baxay. Ammaan darrada ay dowladdu sheeganysaa waa mid ay marmarsiiyo ka dhiganayaso. Qorshuhu wuxuu ahaa yaanu XAQSOOR waxba ka helin halkaas.
Sanaaduuqdii loogu talo galay goobahaas waxa la geeyey xeryaha milatgariga ee Carmaale iyo Shimbiraale.
Tuurista Sanaaduuqdii Axmed Dhagax
Waxa kale oo marag ma doonto ah, marka ay dowladdu meel kasta ka soo weerartya in Hargeysa oo ahayd meel uu ku xoogweynaa ururka XAQSOOR in maalintii Arbacada ee 05/12/12 uu ninkii masuulka Xog-Haynta Doorashada loo xilsaaray uu masaxay tiradii ururka XAQSOOR ka haystay Hargeysa isla mar ahaantaana la waayay Sanaaduuqdii degmada Axmed Dhagax ee uu ururka XAQSOOR codka badankiisa ka filayey si wax la isu daba mariyo oo XAQSOOR meesha looga saaro. Waa maxay caddeynta taas ka badan ee loo baahan yahay in la soo bandhigo in dowladdu cadaawad badheedha ah ku caddeysatay ururka XAQSOOR. Sidee loo waayi karaa sanaaduuqda Axmed Dhagax oo keliya?
Maxaa keenay intaan natiijada Hargeysa lagu dhawaaqin, iyadoo aan dhibaato jirin, in ciidamo la sii tubo degmada Axmed Dhagax?
Waxa wax lala yaabo ah, oo muujinaya daallinimada dowladan ay qawlaystadu ku bahawday, in guddoomiyaha XAQSOOR oo dacwad u gudbiyey madaxweynaha, wasiirka daakhiliga iyo guddoomiyaha komishanka ay intuba dhegaha ka fureysteen inay ka jawaabaan dacwadda la soo hor dhigay oo ku adkaatay waxay kaga jawaabaan.
Haddii aanu nahay taageerayaasha XAQSOOR waxaanu cambaaraynaynaa dilka waxashnimada ah ee ay geysteen ciidamada amnigu iyo boobka ay ku bahoobeen dowladda iyo komishanka qaranku ee anshaxa dowladnimo ka baxsan, taariikhdana meel madow ka geli doona.
Marnaba ma xalaalayn doono, mana aqbali doono natiijada xaaraanta ah ee komishanka qaranka iyo dowladdu soo wada maleegeen.
1) Xamse Xaaji Xasan
2) Cabdiraxmaan Maxamed
3) Yasir Maxamuud Ibraahim
4) Xuseen Cabdillaahi (wanaagsane)
5) Aadan Cali Xamari
6) Axmed Cabdillaahi
7) Maxamed Cabdi Keyd
8) Shukri Cabdi Xuseen
9) Siciid Baashe
10) Cabdiqani Axmed Mire
11) Dayib Aadan Xabashi
12) Maxamed Qawdhan
13) Muxumad Cali Aw Xuseen
14) Faysal Cali Aw Cabdi
15) Maxamuud Aw Aadan
16) CaliDucaale Seed
17) Cabdirisaaq Cali Ducaale
18) Maxamuud Jibriil
19) Xasan Cali Ducaale
20) Cabdiqani Diiriye
21) Xasan Sheekh Axmed
22) Cabdsamad Cali Ducaale
23) Cabdikariim Cali Ducaale
24) Xuseen Cali Ducaale
25) Mahdi Cabdillaahi Cumar
26) Khadar Cabdillaahi Cumar
27) Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cumar
28) Cabdiwahaab Naasir
29) Khalid Yusuf Axmed Xandule
30) Sulub Aw Cabdi Cambalaash
31) Khadar Aw Diiriye Muxumad
32) Maxamuud Qasabeeye
33) Siciid Qasbaaye
34) CaliBasbaas
35) Ibraahim Muuse Xasan Walay
36) Kornayl Faysal Cali Qaafil
37) Yusuf Muuse Dage
38) Axmed Macalin Cusmaan
39) Dr. Cabdi Suudi
40) Dr. Ibraahim Jama
41) Ingineer Cabdirisaaq Cali Xasan
42) Axmed Jaamac Cabdillaahi
43) Rashiid Xasan Xirsi
44) Axmed cali Qaafil
45) Sheekh Maxamed Amiin Sh. Bashiir
46) Ibraahim Cabdillaahi Caalin
47) Cabdi Ruush Xuseen
48) Khadar Xasan Xirsi
49) Radwaan Dayib Cabdillaahi
50) Cabdiraxmaan Abiib Cabdillaahi
51) Cabdikhadar Xasan Cabdillaahi
52) Guleed Cabdillaahi Axmed Rooble
53) CaliCabdi Rooble
54) Idiris Xuseen Cabdillaahi
55) Jaamac Maxamed Cawaale
56) Cabdiqaadir Ciise Kaahin
57) Cabdi Dahir Aadan
58) Xasan Nadalo
59) Maxamuud Jaanyar
60) Maxamed Cabdi Haybe
61) Maxamed cabdi Gool
62) Ayaanle Maxamed
63) Ibraahim Cabdi Habreed
64) Khadar Khayre Carablow
65) Rashiid Xasan Xirsi
66) AdenIbraahim
67) Khadar Gadaawe
68) Cabdicasiis Khadar Gadaawe
69) Axmed Mahdi
70) Xuseen Fiiraan
71) Daahir Axmed Jees
72) Ibraahim Daahir Colow
73) Xuseen Cali Rooble
74) Maxamed Ibraahim Muuse
75) Siciid Hugul
76) Nuur Cali Kooke
77) Maxamed Jaamac Dhalaax
78) Jaamac Axmed cagabaruur
79) Nuur Jaamac Maxamed
80) Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed
81) Khadar Siciid
82) Cabdiraxmaan Xuseen Xasan Gubadle
83) Ibraahim Salaan
84) Axmed Sheekh Cabdi Wali
85) Maxamed cabdillaahi Cabdi
86) Maxamed Xaaji Cismaan
87) Ilyaas Cali Rooble
88) Liibaan Qaambiil
89) Xayd Adan Jaamac (Jaanyar)
90) Jibriil Jaamac Jaanyar
91) Khadar Naasir Ayjeex
92) Maxamuud Xaashi
93) Cabdiqani Diiriye Aw Maxamuud
94) Axmed Dhagoole
95) Cabdishakuur Mawliid
96) Abusite Jibriil
97) Abdisalaan Sheekh Daahir
98) Sahrmaarke Baadari
99) Mohammed Yusuf Madadse
100) Cabdirisaaq cali Qaafil
101) Maxamed Daahir Hagoogane
102) Siciid Cabdi Xirsi Madadaal
103) Daariq Xaaji Yuusuf
104) Cabdikhadar Warsame (Afyare)
105) Faaruuq Cabdillaahi Doob Ilkoole
106) Xariir Maxamed Jaamac
107) Axmed Cabdillaahi Jawaan
108) Faysal Cabdi Cilmi
109) Axmed Guuleed Xirsi
110) Fuaad Ibraahim Odowaa
111) Cabdinaasir Hagagaar
112) Xasan Cabdi Cilmi
113) Axmed Deeq Cabdi Cilmi Dixood
114) Cabdillaahi Daahir
115) Maxamed Cali Mooge
116) Dayib Cismaan Quule
117) Anwar Cali Xiid
118) Xuseen Aden Cadde
119) Cabdi Aden Cadde
120) Mustafe Xaaji
121) Cabdi Diyaar
122) Baashe Abdi Abdillaahi
123) Maxamed Aden cadde
124) Najax Tulux
125) Koosaar caydiid
126) Cabdulqaadir Cabdullaahi Xirsi
127) Cabdi Xirsi Adar
128) Khadar Caydiid
129) Maxamed Koosaar Caydiid
130) Khadar Masmas
131) Mustafe Yusuf
132) Cabdiqaadir Axmed Wali
133) Maxmed Ismaaciil
134) Cabdisalaan Cali Akshan
135) Cabdifataax Cali Waraabe
136) Yusuf Maxamed Dage
137) Cumar Cali Jabaan
138) Maxamed cabdiqaadir Foodyare
139) Maxamed Amiin Sheekh Bashiir
140) Axmed Jaamac Dheere
141) Khadar Axmed
142) Cawl cabdi Timir
143) Cusmaan Xaaji Cali
144) Mustafe Xaaji Maxamed
145) Mawliid Abiib Sodan
146) Xukun Cabdin Tuur
147) Professor Maxamed Dalab
148) Mahdi Cabdi Tuur
149) Maxamed Jiriiban Xaaji Jirde
150) Yusuf Ibraahim
Comments are closed.