Baaq Ay Soo Saareen Beesha Abakor Ciise (Ciise Muuse) Kuna Socda Madaxweynaha

1
1627

Anagoo ah Qurba jooga Beesha Abokor Ciise (Ciise Muuse) ee ku nool UK. Waxaanu ugu horeyn asalaamaynaa dhamaan bulsha weynta  reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan .Marka xigta waxaanu halkan uga duceynaynaa dhamaan mujaahidiintii ku shahiiday 17 October 1984.Waakii Hadraawi lahaa

Lixle damacyadiisii
Diric Ina Saleebaan
Duxan baan ku dhaabtay

Ifku Xaamud daariyo
Khaliif doorrankiisiyo
Digan baan ku dhaabtay

Hurre doonnantiisii
Gurey Ina Dawaarriyo
Dar kalaan ku dhaabtay

Islow dara-digiisii
Danab Aadan Shiiniyo
Dadban baan ku dhaabtay

Karuur duur-xulkiisii
Iyo damalki Koosaar
Dedan baan ku dhaabtay

Iyagoo aan kala dhicin dhamaantood. Haddana  waxay beeshan Abokor Ciise halkan ka xusaysaa Mujaahid Xaamud Ibraahim Yaasin ( oo ah beeshii uu mujaahidku  ka baxay). oo ahaa taliye ka mid ah mujaahidiintii ku geeriyootay dagaalkii Burdo-Duuray.  iyo Mujaahid Haybe Laambad uu ahaa Taliyihii guutadii 11-aad ee ururkii SNM ee ka hawl geli jiray dagaaladii ka dhacay jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera, isla markaana uu ka qeyb galay dagaalo ka dhacay Berbera, Sheekh iyo Bulaxaar.

Alle ha u naxariistee Mujaahid- Haybe Axmed Guurre (Haybe-laambad) oo ka mid ahaa saraakiishii Milatarigii SNM, waxuu 21 bishii April ee 2010 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Beeshan Abokor Ciise (Ciise Muuse) waxay si mug leh uga soo qayb qaadatay dagaaladii wadanka dib loogu xoreynaaney. Dagaaladaa oo ay keeneen markii la waayey CADAALAD, SINAAN, IYO MIDNIMO, laguna bedeshay Eex, Qabiil. Iyo wax la mid ah.

Haddaba Beeshan waxay cod dheer ku muujineysaa baaqan hoosta ku qoran:

Beeshan Abokor Ciise waxay aad iyo aad u cambaareyneysaa falkii foosha xumaa ee lagu dili gaadhay xildhibaan Qabile.

Beeshan Abokor Ciise waxay leedahay xildhibaano muxaafid iyo mucaarad ah oo ay kala mid tahay reer Somaliland.

Beeshan waxay dowladan Siilaanyo ka dirsaneysaa cadaaladdaro aad iyo aad u baahsan, waana dowladii ugu cadaalada xumayd taariikhda Somaliland.

Beeshan Abokor Ciise waxay dawladan Siilaanyo ka sugeysaa in ay soo celiso wax wada lahaanshihii, cadaaladii iyo wada jirkii Somaliland ay lahayd.

Beeshan Abokor Ciise waxay la fikir tahay walaalaheeda kale ee Ciise Muuse.

Beeshu waxay aaminsan tahay in Cadaaladii iyo midnimadiiba wax is ka badaleen loona baahan yahay in la helo Sinaan, cadaalad iyo horumar.  Horumarka waxaa ka horeeya Cadaalad iyo Sinaan.

Madaxweyne, Umada reer Somaliland waxay kaa sugeysaa waaxii ay kugu doorteen ee aad ugu dhaaratay. Ee ahayd in aad cadaalad iyo sinaan ku maamuleyso.

Shaqsiyaadka qoraalkan gudbinaaya

Ahmed Abdi Ali,Eng Abdilaahi Dahir. Guled  Abdirizak M. Dir,Dr Abokor C. Gaab,Ali Essa abdi,Ali Ibrahim Abdi,Eng,Abdirisaq Dahir Guled,Osman A Muse,Mohamud A. Ahmed ,Ali Ahmed Halac,Faisal M. Dirir,Eng: Suleiman A. Muse,Ahmed Dahir Guled,Abdi warsame Yusuf,Abdi Osman Dirir,Mahad A. Nur,Faisal D. Guled,Ali A Muse,Mohamed H. Megan,Mahamed Y. Food Cad.

Comments are closed.