Baanka Adduunka Oo Maalgalin U Sameeyay 35 Shirkadood Oo Reer Somaliland Ah

0
1042

Hargeysa(Geeska)-Bangiga adduunka ayaa Hargeysa bandhig ugu qabtay 35 shirkadood oo reer Somaliland ah oo ku guulaystay inta u dhaxaysa 50 ilaa 150 kun oo dolar oo maalgalin ahaan loo siiyay.

Mashruucan oo la xidhiidha horumarinta Somaliland ayaa ay ku guulasteen shirkado ay ka mid yihiin kuwo dhanka wax soo saarka kaluunka ah,beeraha, xoolaha,dhismayaasha, sharaabka iyo waxyaabo kale oo aad u tiro badan.

Ugu horayntii wasiirka qorshaynta Somaliland Maxamed Aadan Qabo  oo furitaankii xaaladan ka hadlay ayaa soo dhaweeyay maalgalintan, waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Runtii farxad ayay ii tahay intan oo shirkadood oo maanta ku guulaysatay barnaamijkii aynu mudada soo wadnay wax badana ka tari doona dhaqaalaha dalka,muddo ayuu mashruucani soo socday cabashaduna waa ay badnayd oo aniga laftigayga oo nidaamkooda ayaa haayadaha badan, laakiin markii ugu danbaysay  waan ku guulaysanay heshiisyadiina waan wada galnay, waanan u mahadnaqayaa kooxda ay hoggaaminayeen Xirsi iyo Deeqa.”

Wasiirka qorshaynta oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”mashruucan waxaynu ka doonaynaa inuu noqdo mid midho dhal ah, waa wajigii koowaad kii labaadna waa uu inoo soo socdaa, way baahiyeen afarta bishana waan furi doonaa wajiga danbe inkastuu yar yahay. halkan dumarka ayaa ku yar inta ugu badan shirkadaha ku gulaystay waa wada rag afar mooyaane, waxii danbe waan ka wada hadli doonaa oo qolada baanka aduunka iyo DAI waxaanu isku dayi doonaa in si sidan kaduwan loo eego, had iyo jeer mashaariicda ugu badan ee laga fuliyo dalka kuwa dumarku gacanta ku hayaan waa uu dhamaadaa laakiin waxa laga yaabaa in ragu meel dhaxe ku kala tagaan, intii aan wasaarada joogay waan u mahadnaqayaa dumarka Somaliland mashaariic badan oo ay wadaan si fiican ayay u wadaan, laakiin marka mashaariic la soo samaynaayo waa la garbiyaa markaas waxaanu isku dayaynaa in aanu si ka duwan aanu u helno oo wareega labaad waxaanu isku dayaynaa inay dumarku u bataan. 700 shirkadood ayaa soo xaraystay waxaana ku guulaystay 35 shirkadood oo kaliyaata halkaas waxa ka muuqda baahida dadkeena iyo in ay aad u jirto shaqo la’aan aad u badan, markaas in la jajabiyo oo maalgashiga yar yar in  uu bataa waa lagama maarmaan, waayo dad badan oo nidaamkii ay mareen ku hadhay ayaa jira laakiin aan ku qanacsanayan.”

waxa uu wasiirku sheegay in ka wasaarad qorshayn ahaan ay maamulaan barnaamijkan bangiga  adduunku uu ku maalgalinaayo ganacsatada Somaliland.

Wasiirka kaluumaysiga Somaliland Cali jaamac Buureed ayaa isaguna dhankiisa soo dhaweeyay ganacsatadan ku guulaysatay maalgashigan baanka aduunka, waxaana isaga oo halkaas ka hadlaayay uu yidhi” Lacagta labada qaybood ah ee qaybta yar iyo ta badan ah 10 kun ilaa 50 kun oo dolar qaybta hore ay tahay, ta labaadna 50 ay ka bilaabmayso 150 kun oo dolarna ay tagayso dadka kaluumaysatada ah ee aanu doonayno inay soo kobciyaan wax soo saarka kaluunku toban kun ma haystaan boqol kunna ma haystaan, ayaantii hore waxaanu nidhi tan hoose dadka u badiya, wali waxaad moodaysaa dadka lacagta badan inay badan yihiin. aad iyo aad ayaanu maanta ugu faraxsanahay inay intaas oo kaluumaysato ah ay gasho, beeraha,xoolaha iyo kaluunku waxay noqdeen 12 waxaanu diyaar la nahay waxii intaas lagu daraayo dawlad ahaan, runtiina kaluumaysatadu hada aad ayay u soo koraysaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here