Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Cayimay Wakhtiga Uu Furmayo Shirweynaha UDUB

0
949

yaasin

Hargeysa(Geeska)-Ku simaha guddoomiyaha xisbiga UUDUB ahna gudoomiye xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa cayimay shirka golaha dhexe ee UDUB oo uu sheegay inuu qabsoomi doono 19-ke September oo ku beegan 10 guuradii xisbigaas.

Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray Axmed Yuusuf, ayaa lagu sheegay in go’aankan la qaatay falanqayn ka dib, waxaanu warsaxaafadeedku yidhi, “Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Madaxda Sare ee Xisbiga UDUB markii ay wax badan isla falanqeeyeen waxay isla qaateen:

In shirkii Xuska 10 guurada Xisbiga UDUB iyo Fadhigii Golaha Dhexe loo mudeeyey inuu furmo 19-ka September 2011, si cibaadada bisha Ramadan loo guto.

Waxa Xisbigu aad u falanqeeyey wacyiga maanta jira ee Ururo furista iyo Xeerka horyaala Golaha ee Xeer No. 14, arrintaas oo hore Xisbigu mawqifkiisa uga dhiibtay kuna tilmaamay Guddigii ka talo bixinta ee Madaxweynuhu u saaray inay ahayd guddi aan sharci ahayn waxa xisbigu hore u duray soo jeedintoodii taas oo aan 1700 qof ka tarjumi karin rabitaanka shacbiga Somaliland oo lagu qiyaaso tiro ka  badan 3.5 milyan waxaanay noqonaysaa tiradaa guddigu wax ku saleeyeen nisbad ah 0.05% tirada guud ee shacbiga reer Somaliland.  Waxaanu haddaba farriin u diraynaa Golayaasha Sharci dejinta inay si lexejeclo ku jirto uga fiirsadaan arrintaas maanta hortaala ee dabada laga wado, wakhti ku filan oo lagaga baaraandegona siiyaan, si aan ummaddan loogu afduubin meel aan hadhaw wax laga qaban karin.”