Axmed Y Yaasiin Iyo Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Wareegtada Madaxweynaha Ee Soo Celinta Haamaha Iyo Madaarka

100
7969

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka hadlay aragtidooda ku waajahan wareegtada uu Madaxweynuhu gacanta Dawladda dib ugu soo celiyey Haamaha Shidaalka iyo amaanka Madaarka,waxay kale oo ay Madaxweynaha ugu baaqeen in Hay’addaha kala ee Dawlaga ah ee cid gaar ahi maamusho in iyana dib loo soo celiyo Dalwadda.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horayn Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Gacanta Dawladda ee dib loogu soo celiyey Haamaha, waa mid loo baahnaa, marka horena weynu ogeyn, markii horena weynu ogeyn oo Golaha Wakiilada oo umadda Wakiilo ugu matala, horeba wey u diideen, Golaha Wakiiladuna shacabka ayey matalaan, waxay diidaana waa waxba kama jiraan, laakiin waa la iska watay, Haamuhuna wa halbawlaha Kaydka Shidaalka, ee Qarankan, oo tusaale ahaan haddii uu dagaal ina qabsado, oo in Dawladdu gacanta ku haysaa, oo ay ogaata waxa u yaala inay waxay ku hawlgalayso, waana bogaadinayaa in gacanta Dawladda dib loogu soo celiyo, haddii ay hadhaw dhacdo in Gacanta Shicibka dib loogu celiyo si daah furan oo xalaal ah ha loogu tartamo, laakiin meelaha halbawlayaasha sida amniga madaarada, iyo haamaha, waa waxyaabaha aan ka bixi karin gacanta dawladda, oo haddii ay ka baxaan qaranku khatar ku galaayo, waxaana qabaa in arinkaasi uu yahay arin uu Madaxweynuhu bartiisa uu dhigay”.

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo isna ugu horeyn ka hadlaya wareegtada Madaxweynaha ayaa yidhi “Dadkii xaqdarada ku qaatay Haamaha  dib loo soo celiyey in la soo celiyaa wey wanaagsan tahay,  laakiin shaqooyinka caynkaas ah ee ku shuqul leh Dhaqaalaha iyo Ganacsiga, anagu waxaan ka mid yahay dadka aad u aaminsan in Maamulka Haamaha iyo hantida gaarka ah ee Dawladda in Dawladda lagaga wanaagsan yahay, maamulkeeda, waxayna ahayd in laga fikiro sidii labadaas la iskugu daalac naasili lahaa, balse in hantida umadda la ilaaliyo waa muhiim, hantida umadda ee la boobayna intan oo qudha may ahayn, oo wey fara badan tahay, waxaana Dawladda looga fadhiyaa sidii ay u soo celin lahayd hantida umadda ee la boobay,umaddana u soo bandhigto”.

Siyaasi Buubaa mar uu ka hadlaayey warbixintii Guddida ilaalinta hantida umadda ee Wakiilada ayaa yidhi “Go’aanka waxa qaadan karta Maxkamadda, Guddi iyo qof shakhsiyi midna ma qaadan karo, balse Hay’adda Garsoorka iyo Maxkamaddaha loo soo wareejiyo oo si cadaalada ku saleeysan oo eedaysanayaashana xuquuqdooda lagu ilaalinayo xuquuqdii dadka ee ay boobeena lagu ilaalinayo in loo agaasimo kiisaskooda ayaa haboon, laba qof ama toban qof ha noqdaan ama ha ka bataane wax alaale wixii hantida umadda boobay dhammaantood waa in la bandhigaa”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here