Axmed Siilaanyo Oo Maanta La Kulmaya Raysal Wasaaraha Itoobiya

0
615

Picture3

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maanta magaalada Addis Ababa kula kulmo raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Madaxweyne Siilaanyo oo xalay gaadhay Addis Ababa, ka dib markii uu ka socdaalay wadanka Imaaraadka Carabta oo uu beryahan joogay, waxa la filayaa inay raysalwasaaraha Itoobiya ka wada hadlaan xidhiidhka labada wadan. Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu Isniinta beri soo gaadho magaalada Hargeysa.