Hargeysa(Geeska):-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md:Axmed Muumin Seed, ayaa xukuumada Siilaanyo ku eedeeyey in mudadii Afarta sano ahayd ee ay xukumayeen talada dalka ay ku fashilantay siyaasadii arrimaha dibada, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay meesha ka baxday doorkii u ictiraaf raadinta qaranka Somaliland, waxa kale oo uu si adag uga hadlay xaalada muddooyinkii danbe ka taagnayd gobalka Awdal, iyo sida oo kale arrimo arrimaha doorashooyinka iyo cabudhinta ay xukuumadu ku hayso saxaafada madaxa banaan.
Md:Axmed Muumin Seed, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay dalka dib uga soo laabtay ka dib socdaal uu muddooyinkii danbe ugu maqnaa dalka Ingiriiska, waxaana isaga oo warbaahinta kula hadlaaya garoonka Cigaal, uu ugu horeyn faah faahin ka bixiyey u jeedada socdaalkiisa uu ugu maqnaa dalka Ingiriiska iyo sida oo kale waxyaabahii u soo qabsoomay.
"Runtii muddo ayaan ku maqnaa waddanka Ingiriiska, mudadaas aan ku maqnaa waxyaabaha noo soo qabsoomay waxaa ka mid ahaa kolay hawlahii xisbiga oo aanu soo dar dargalinay oo runtii si wanaagsan noogu qabsoomay,shaqooyinkii kale ee hawlaha qaranka waxii aanu ka qaban karaynayna waanu soo qabanay"Ayuu yidhi Md:Axmed Muumin Seed.
Md:Axmed Muumin Seed oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ka hadlay waxyaabaha uu ku soo arkay dalka dibadiisa, waxaana uu yidhi:"Runtii waxaad dareemaysaa waa dhibta gudaha ka jirta ayuunbaad dareemaysaa, waxaad ogtihiin dawladan hada uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo, hada muddo Afar sano iyo dheeraad ah ayey dalka xukumaysay Afarta sano arrimihii dibada waa ay ku fashilantay, waayo waxaad ka dareemaysaa meelihii aanu maraynay ama baarlamaanada ha noqoto ama arrimihii dibada ha noqoto, meelihii aanu maraynay oo dhan waxaa laga dareemayey ama ay warbixinada aanu ka helnay ay ahayd in aan illaa imika wax waraaqo ah ama codsiya aanay inaga gaadhin oo ku saabsan Ictiraaf raadintii iyo gooni isu taagii dalkan ee mudada badan xukuumadihii dalkan iskaga dambeeyeen ay raadin jireen, ayaa runtii meesha ka baxday".
Md:Axmed Muumin Seed, waxaa kale oo uu ka hadlay cabudhinta saxaafada ay xukuumada Siilaanyo ku hayso, waxaana uu si gaara uga hadlay wargeyska Hubaal."Waxaa iyaduna aan runtii maanta aad uga xumahay cabudhinta iyo dhibaatada saxaafada madaxabanaan lagu hayo oo jaraa'idkii Hubaal ee shalay la sii daayey ee hadana markii la sii daayey garsoorihii sii daayey shaqadiisii laga eryey, taasi waxaa ay ku tusaysaa cadaalad darada iyo runtii amar kala qaadashada iyo tacadiga dalka ka jira ayey tusaysaa" Ayuu yidhi Md:Seed.
Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee xisbiga Waddani Md:Axmed Muumin Seed, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinku ay dhinacooda diyaar u yihiin taakulayntii dhaqaale ee ay ka gaysan jireen arrimaha doorashooyinka Somaliland, waxaana uu shacbiga ugu bushaareeyey in ay u diyaar garoobaan in dalka ay doorashooyinku wakhtigoodii ay ku dhacaan.
"Anagu waxaanu odhan lahayn shicibka reer Somaliland waxaanu ugu bushaaraynaynaa dawladaha inaga caawiya dhinaca doorashooyinku in ay diyaar u yihiin, in doorashooyinku ay wakhtigoodii ay dhacaan, shicibka reer Somaliland-na waxaan ugu bushaaraynayaa in ay u diyaar garoobaan in doorashadii ay wakhtigeedii ku dhacdo, haddii Illaahay yidhaado"Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Ugu danbeyntiina guddoomiye Axmed Muumin Seed, waxaa uu si dag uga hadlay xaalada muddooyinkii danbe ka taagnayd gobalka Awdal, waxaana uu sheegay in gobalka Awdal aanu marnaba diyaar u ahayn in uu ka go’o Somaliland inteeda kale, isaga oo sheegay in qaabkii ay xukuumadu arrintaasi uga hawl gashay uu ahaa mid ay ku doonayso in ay muddo kordhin ku samaysato, balse aanay taasi marnaba u suurta gal ahayn.
"Runtii gobalka Awdal, maaha gobal Somaliland ka go'aaya taladana kuma jirto, waxa weeye dee anigu waxa uun aan leeyahay ninkaa baxay ee suldaanka ahi waxaa uu ka mid ahaa uun Salaadiinta gobalka, laakiin Somaliland xili uu shakhsi yidhaahdo waanu ka go'nay waa ay ka weyn tahay oo waa qaran jira, laakiin anigu waxaan isleeyahay uun fursada maanta waxaa bixisay xukuumada Somaliland, laakiin xisbiyada mucaaradka ahi waxaa ay xaq u leeyihiin, in ay ka hadlaan dhacdada jirta, anigu dalka ayaan ka maqnaa se guddoomiyaha xisbigu talooyin badan ayaa uu soo jeediyey, in arrinkaa lagu eego sidii awalba loogu eegi jiray oo ahayd in golahii loo noqon jiray loo noqdo oo ahayd oo ahaa golaha guurtida Somaliland, in golaha guurtidu uu tago oo golahaas iyo salaadiinta reer Awdal ay arrinta soo afjaraan ayey ahayd, laakiin markii ciidamo la geeyey waxaan u malaynaynaa uun in arrinkaasi uu ahaa uun arrin daan daansiyaa oo ay xukuumadu ku doonayso in ay muddada ku kordhisato, taasina wax suura galaaya maaha, waxaan reer Awdal ugu bushaaraynaynaa, reer Awdal markoodii hore Somaliland ayey ahaayeen imikana waa ay yihiin, reer Somaliland-na waxaa laga doonayaa midnimada iyo qaranimada in ay wada illaashadaan"Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.