Axmed Ismaaciil Samatar Oo Si Adag Uga Hadlay Labadii Sarkaal Ee La Dilay

0
884

Boorama(Geeska)-Prof.Axmed Ismaacil Samatar ayaa doqonimo ku tilmaamay in gobalka uu ka soo jeedo ee Awdal xukuumadu ay isku daydo in aanu xaflad dadka uu kula hadlaayo aanu ku qabsan karin. Waxa kale oo uu ka hadlay laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska iyo asluubta oo dhawaan lagu dilay bariga Somaliland. Labada Sarkaal ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeday gobalka Awdal.

Waxa uu sheegay in dastuurka Somaliland u ogol yahay inuu shir qabto oo uu waxii sharcigu ogol yahayna uu ka hadlo, waxaanu sida oo kale u mahadnaqay dadka reer Boorama oo uu ku tilmaamay in ay xukuumada ka adkaadeen.

Axmed Ismaaciil Samatar wuxuu arrimahan kaga hadlay kulan dadweyne oo ay isaga iyo Dr. Cali Khaliif toddobaadkan ku qabteen magaalada Borama, waxaanu yidhi  “ Shirkan aan ku jirno oo in muddo ahba uu guuxeedu isoo gaadhayay in la yidhi yaan shirkaas la qaban, Axmed Samatar iyo inta la socotaana yaanay Boorama Iman, warkaasi waa uu I soo gaadhay, qodobka 32-aad ee dastuurka Somaliland waxa uu dhigayaa in qofka reer Somaliland uu xaq u leeyahay inuu si xor ah u abaabulo shir inuu dad isugu yeedho wax alle iyo waxii uu doono ee sharciga dalku uu ogol yahayna uu ku hadli karo, markaas anigu waxaan qabaa dastuurkana in aanay waafaqsanayn sidaas laysku dayay in la sameeyo, nacasnimo iyo doqonimo weyna ay tahay in qof la yidhaahdo degmadii aad u dhalatay ma iman kartid,laakiin waxa farad weyn ii ah dadkii magaaladan deganaa iyo hareeraheeda iyo inta dibada ku maqan inay isku tageen oo si aad iyo aad ah oo qiimo leh ay uga adkaadeen hadalkaasi meeshii uu ka yimi iyo dadkii ka danbeeyay oo waynagaas caawa inaga oo is ogol wada sheekaysanayna, markaas aad ayaad u mahadsantihiin.”

Isagoo ka hadlaya dilka labada sarkaal wuxuu Samatar yidhi “Anigu waxaan qabaa labadaas sarkaal ee tolka ah ee iyaga oo aan waxba galabsan oo shaqadii dawlada ee loo diray gacanta ku haya in la ugaadhsado oo la dilo, dilka caynkaas ah waa uu ka duwan yahay dilalka kale waayo dadka socda ee sharcigii ku socda ee hawshiisii qabsaday in dad gaar ah ay doortaan inay dilaan, dilka arimaha ugu xun ayay ka mid tahay markaas anigu aad iyo aad ayaan taas uga murugaysanay wax la ilaabi karana oo mar dhacayna iilama muuqato oo waa wax xasuusta galaaya tolka iyo umaddaba,  oo marka arimaha waaweyn laga hadlayo arimahaas waaweyn ayay ka mid noqonaysaa waxaanan ku talinayaa in dilka caynkaas ah uu yahay mid deg deg wax looga qabto dadkii waxaas gaystayna degdeg loo soo qabto ee aanu wareegin hore ayay noo soo martay, dad tolka ah oo lagu laayay magaalada Dilla duleedkeeda oo iska wareegtay iska wareegtay arintaasi mar labaad, mar idage Alle ha dago mar labaad I dagana aniga ayaa is dagay markaas ma yeelayno.”

Wuxuu hadalkiisa ku soo koobay  “Anaga oo toban indhood leh ayaanu ku eegaynaa dacwadaasi halkay marto iyo deg-degeeda,waxaan intaas ku darayaa qoyskii labadaas sarkaal laga dilay iyagana waxii umaddi ay samayn karto ee kartida aadmi gaadhi karto in la abaal mariyo ileen carruur agoon ah ayaa jirta iyo xaasas, Somalilandna waxii maanta ka danbeeya dawladeeda iyo dadkeedu in aanay u dulqaadan  karin waa in laysla gartaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here