Askari Ciidanka Puntland Ka Tirsan Oo Madaarka Gaalkacayo Ku Toogtay Wefti Qaramada Midoobay Ah Oo Hargeysa Ka Tagay

0
671

Picture6Galkacayo(Geeska)-Laba sarkaal oo u shaqaynayay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dambiyada ee UNODC oo shalay ka dhoofay magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa lagu toogtay madaarka Galkacayo ee maamul goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in mid ka mid ah labada nin ee lagu dilay halkaasi uu u dhashay dalka Biritan, halka kan labaadna uu kasoo jeedo Kanada.

Xilliga toogashadu dhacday ayaa la sheegay in qayb ka mid ah garoonka ay ku sugnaayeen mas'uuliyiin ka tirsna mamaul Goboleedka Puntland, iyadoo Madaxweynaha Puntland uu marayay duleedka magaalada Galkacayo isagoo magaalada ku soo jeeday.

Wararku waxay sheegayaan in qofka dablayyda ah ee dilay labada nin uu xidhnaa diirayska booliiska ilaaliya garoonka "Cabdullaahi Yuusuf Axmed" ee magaalada Gaalakacayo, waxaanu Madaxweynaha Puntland xaqiijiyay inuu ninku ka tirsanaa ciidamada dawladiisa.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa xaqiijiyey in labada qof ay u shaqaynayeen Qaramada Midoobay Xaiiska u qaabilsan la dagaalanka daroogada iyo dambiyada (UNODC).

Mr Kay waxa uu cambaareeyey weerarka, waxana uu ugu baaqay mas'uuliyiinta Puntland inay sameeyaan baadhitaan buuxa oo caddaaladda lagu horkeenayo cidii ka dambaysay weerarkaas.