Asad: Wiil Maraykanku Hargeysa U Soo Masaafuriyay Oo Ka Waramaya Saxariirkii Tahriibka Iyo Nolosha Xabsiyada USA

0
956

Hargyesa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika ayaa waraysi la yeeshay Asad Cabdi Ciise oo ah muwaadin u dhashay dalka Somaliland, islamarkaana ka mid ahaa dad Soomaali iyo Kenyan ah oo dhawaan laga soo masaafuriyay dalka Maraykanka.

Mr. Asad oo Maraykanka ku galay tahriib dhib badan, waxa uu Geeska Afrika uga waramay jidkii uu tahriibka u maray, waxyaabihii uu la kulmay, nolosha xabsiyadii uu ku jiray iyo weliba qaabkii loo soo masaafuriyay. Mr. Asad oo u waramay weriye Maxamed-taajir oo ka tirsan Geeska Afrika, wuxuu waraysigu u dhacay sidan:

Goormay kugu dhalatay inaad Maraykan u tahriibto, halkaadse ku sugnayd markii aad socodkaaga  bilowday?

Inaan Maraykan u tahriibaa waxay igu dhalatay aniga oo Talyaaniga Jooga, markaan joogay muddo sadex sano iyo badh ah dalka Talyaaniga, ayaan Jarmalka u dhaafay  oo aan isagana iska dhiibay oo qaxoonti ahaan ayaa layga qaabilay, waan ka so noqday aniga oo leh go'aankaygii dhanka Maraykanka waxaan ku soo laabtay dalka Talyaaniga ee aan joogi jiray Rooma ayaan soo degay, muddo gaabana waxaan u duulay dalka Spain  halkaas laba todobaad ayaan joogay waanan ka duulay aniga oo sheegtay dalxiise oo calaamadii dalxiiskuna iga muuqdaan, waxaan tagay Guatemala oo badhtamaha Laatiin Ameerika ah maaha dal ee waa maamul,waxaan u dhaafay dhanka dalka Salvador, honduras ayaan halkaasna u sii dhaafay iyo Nigariguo, markaas Mexico iyo Guatemala ayaa leh xidhiidh oo marka hore waad dhaafaysaa Guatemala waayo dalxiis ayaad sheeganaysaa markaas odhan maysid Mexico ayaan u socdaa oo waa lagu celinayaa, Mexico iyo Guatemala webi ayaa u dhaxeeya waxay nagu dhaafiyeen tayuub ay buufiyeen oo qoryo dusha ay ka saareen kadib baskiil baanu ku tagnay, baskaas waxaanu ku tagnay Mexico waxaana nalagu xidhay ilaa muddo sadex toddobaad ah anaga oo isku dhiibnay ciidanka.

Waxay ku odhanayaan halkaad ku socotay intay ku waraystaan, Maraykanka ayaan u sheegnay, qofka Kanada Tagayaana sidaas uun buu u sheeganayaa, markaas waraysigaas lagaa qaaday ayaa la gudbinayaa oo ragan kaa qaadaya ee aad Mexican-ka  moodaa waxay u shaqaynayaan Maraykanka oo marka aad xuduudiisa iska dhiibtaba waxaad ogaanaysaa in warkaagu kaa soo horeeyay, markaas waxay ku siinayaan warqad ay ku leeyihiin shan iyo toban maalmood nagaga bax muddo markaanu halkaas iska joognay ayaanu u duulnay caasimada Mexico markaas ayaanu u sii dhaafnay dhanka xuduudan uu leeyahay Trump waxaan ka dhisayaa dayrka oo Monterrey la yidhaahdo budhacada yaana ku badan askar Mexican ah oo aan lacag siinay ayaa na kaxaysay oo dhanka xuduuda Maraykanka na gaadhsiisay, meel yar oo xuduuda ah ayaanu hal doolar ku ridnay oo albaab ayaa iska kaaya furay waanu galnay iyaga oo waliba sii haya warkayaga ileen Mexico ayaanu ku sheegnay waxay nagu tuureen xabsi ku yaala gobalka Taxes halkaas ayaan saddex bilood ku qaadanay oo xabsi, intaas kadibna waraysigii ayaa layga qaaday, looyar ayaan ku qabsaday lacag si uu kiiskayga ugu doodo, runtii waan ku guuldaraystay kiiskaygii, markaas askartii FBI-da ahayd waxay yeelanaysaa inay ku sii dayso iyo in dawlada ay kugu wareejiyaan oo saddex bilood oo kale lagu sii hayo, lixdaas haddii ay dhaafto waxa ay ahayd in Maraykanka lagugu sii dhex daayo, iyada oo ay dhaaftay ayaa nala sii haystay,Soomaalida inta badan marka ay isdhiibaan saddex bilood ayuunbaa la hayaa oo waa la sii daayaa, markaas ninkii FBI-da ahaa ee kiiskayga hayay ayaan la xidhiidhay waxaanu yidhi arintiinu anaga way nadhaaftay ee safiirkiina ayaa idin haysta oo diyaar u ah inuu idin celiyo,New York ayay haddana xabsi ah noo gudbiyeen, Missouri ayaa laysii dhaafiyay,hadana Louisiana ayaa lay sii dhaafiyay,Alabama oo aan laga qadayn oo cadaab ah ayaa laygu tuuray.

Ka waran nolashii xabsiyada aad ku soo qaadateen?

Nolasha xabsiyadu aad ayay u adagtahay, waxa xabsiyada qaarkood hadalka nalooga bilaabay ma maydhi kartaan cagahiina oo loola jeedo ma waysaysan kartaan, xoriyada laynagu leeyahay Maraykan ayay ka jirtaa kama jirto oo cagaha ma maydhi kartaan yaa nalagu yidhi, meesha ay leeyihiin cagaha ha ku maydhina nigisyada ayaa lagu maydhaaba, laakiin waysada ayay iska diidayaan, wakhti ayay qaadatay in salaada naloo ogolaado iyo warqado cabashooyin ah oo masuuliyiintii xabsiga aanu u qoranay ayaana naloogu fasaxay,

Xaga cuntadu maaha mid wanaagsan, cunto suub la yidhaahdo ayaa iyaduna noogu darnayd inta biyaha lagu rido ayaa ay faxaysaa oo balaadhanaysaa waana laguu keenayaa si aad u cunto, wax faytamiin ama booratiin ah iyo wax kale toona oo ay leedahay ma jirto ee caloosha ayuunbaa ku soo waynaanaysa, qaar dhiig hunqaacay ayaa nagu jiray, markaad  aad u xanuunsato ama aad dhimanayso ayaa lagu qaadayaa ayay ku odhanayaan haddii aad tidhaahdo waan xanuunsanayaa wali sakaraad ma tihid ayaa lagu odhanayaa.

Xabsigii ku yaalay Alabama waxaanuba ku cuni jirnay baradho galkeediina lagu shiiday iyo roodhi yar oo lagu cunaayo iyo in yar oo digir ah, marka aad cunadaas cuni kariwaydo adeeg  ayaad dalbanaysaa markaas adeegaasna lacagtiisa dadkaaga ayaa kuu soo diraaya boqol ama laba boqol oo doolar, adigoo Maraykan tagay marka dib laguu biiliyo taasi dhibaatadeeda ayay leedahay, waanu ka dagaalami jirnay oo waxan maanu soo doonan ayaanu odhan jirnay. Dagaalo ayaa xabsiga ka dhici jiray oo waxay ka bilaabmi jireen shaqada xabsiga laga dhex qabto oo hal doolar lagu qaato ayaa marka aad istidhaahdo qabo niman laatiin Ameerikaan ah aanu isku layn jirnay dabcan inta badan askartuna iyaga ayay la safan jirtay.

Maalmo danbe safiirkii Somaliya ayaa naloogu yeedhay waxa uu afbuuxa nagu yidhi wakhtigii Obama ayaan balanqaadkan sameeyay, waan qaldamay ee suga waa laydin sii daynayaaye, sidii ayaanu ku qaadanay markaas mudo dheer oo mar kasta xabsiga la sii kordinaayo oo laba sano ah,mar kale ayuu noo yimi safiirku xigeenkii safaarada Somaliya isaga oo xabsi dheeri ah noo sida waxaanu nagu yidhi safiir ku xigeenku hadal ka duwan kii safiirka oo ahaa waan idin celinayaa.

Ugu danbayntii qaab caynkee ah ayay laydiin soo mustaafuriyay?

Wax waliba qaab khasab ah ayay ku dhaceen oo waxa naloo soo sameeyay waxyaabihii aanu ku safri lahayn ee safaarada ku xidhnaa, waxa laysugu kaaya keenay  Louisiana, waxa jiray qaar diiday inay jeelkaba ka soo baxaan waa la tumay oo khasab ayaa lagu ogolaysiiyay, markaas waxaanu ahayn ilaa sagaashan qof oo laba kaliyaata ay Kiiniyaan ka haayeen, inta kale Soomaali, waxa aanu Afrika markii ugu horaysay nimid Senegal  anaga oo 19 saacadood soo soconay, Kiiniya ayaa nala keenay iyada oo gacmaha,cagaha iyo dhexdaba aanu ka xidhanahay, halkiibaa nalaga soo qaaday oo Muqdisho nalagu keenay, askari kiiniyaati ah oo nala soo raaciyay ayaa gacmihii iyo cagahii naga xidhnaa naga furay, kuwii cadaanka ahaana way baqeen oo iyagu Nayroobi may soo dhaafin. Soo celintayadaas waxa aan filayaa waxa u sabab ahaa nin Taabid la yidhaahdo oo aanu isnidhi lacag ayuu idinku qaatay iyo safiirka Soomaaliya ee ka sareeyay.

Muqdisho sidee laydiinku qaabilay?

Waxa nalagu yidhi waa wadankiinii ee ku soo dhawaada, wax dhaqaale ah namaysiin wax qorshe ah oo ay noogu talogaleen oo ay nagu qaabileena ma uu jirin.

Dhaqaale intee leeg ayaa kaaga baxay u tahriibitaankaagii Maraykanka?

Lacag ilaa soddon kun oo doolar aan ka yarayn ayaa igaga baxday, markaas reerkayaga iyo sidoo kale wax aan meelahaas aan marayay ka shaqaystayba lacagtu waa ay lahayd laakiin intaas kama yarayn.

Hadda maxaad yeelaysaa?

Ninkasta oo nool dalkiisa ayuunbaa wax u ah markaas ma doonayo; dalkayga ayaan joogi doonaa insha allaah, waan daalay hadda oo tahriib danbe ma jiro.