Arsaaqda Iyo Amnigu Waa Laba Ilaah Isku Ladhay Sheekh Maxamed X. Maxamuud Xiiray.

0
884

Marka cadaalad laga yimaado nolosha dadka iyo dhulku waxa ay ku tiirsan yihiin laba arin oo muhiim ah

Amniga iyo Arsaaqda bulsho kasta iyo sawlad kastaana waa in ay u noqdaan mudnaanta u horaysa.

Sidaa darteed ayaa Nabi Ibraahim markii uu dhisayay kacbada reer Maka ugu duceeyay amni iyo arsaaq. Maxaa yeelay iimaanka dabadii labadaa arin ayay noloshu ku dhisan tahay hadii labadaa la waayana deegaankaa dhib iyo dhibaataa ka dhacaya waana ay isku ladhan yihiin waxa Ilaah qur’aanka inagu yidhi, “Xus markii(Nabi) Ibraahim ilaah ka baryay inuu ka yeelo magaaladan(Maka) mid amaana ehelkeedana midho ku arsaaqo” 126 Al-Baqra amni iyo arsaaq waa labada la’aantood aanay nololi taagnaanayn.

Sidoo kale ilaah waxa uu ugu mana sheegtay reer Quraysheed inuu siiyay labadii nimcadood ee nolosha asaaska u ahaa amni iyo arsaaq kana badbaadiyay labadii ka soo horjeeday gaajo iyo baqo.

Waxa ilaah Qur’aanka inagu yidhi, “Caadaysiga ay qurshays caadaysteen safarka jiilaalka iyo xagaaga markaa ha caabudaan ilaaha Kacbada ilaahii ka quudiyay gaajo kana amaan geliyay cabsi” 1-4 Quraysh waxaad arkysaa in ilaah gaajadii ka hor mariyay amaankii maxaa yeelay gaajadu waxa ay dhalisaa amni daro.

Markaa ilaah umad inuu rogo doonana labadaa nimcood ee isku ladhan ayuu ka qaadaa

Waxa ilaah Qur’aanka inagu yidhi, “waxa uu Ilaah tusaale ka dhigay magaalo ahayd nabad xasiloon ugana yimaado risiqeeda oo badani umad kasta oo ka gaalawday nimcooyinkii Alleh oo Ilaah dhadhansiiyay hugii gaajada iyo baqaha camalkooda dartii”Alnaxl 112

Islaamku ma ogola in bulsho wayntu gaajooto xooluhuna ku dhex wareego koox kooban oo iyadu is kool koolisa waxa Ilaah Qur’aanka inagu yidhi, “ si aanay hantidu u noqon mid maalqabeenkiina oo qudha dhex wareegta” 7 Al-Xashar

Islaamku ma ogola in koox kooban hantidu dhex wareegto waxaana uu dajiyay nidaam lagu daboolayo dhamaan baahida bulshada.

Dalalku waxa ay ku xasilaan kuna dhaqnaadaan marka sicirku jaban yahay meecashadii daruuriga ahaydna la heli karo. Dawalad kastaana arinkaa maciishada aad ayay u danaysaa xataa dawladaha madaxa adag ee tigtaatooniga ama boqortooyooyinku maamulaan aad ayay uga war hayaan maciishada iyo nolosha dadka maxaa yeelay la’aanteed nolol iyo nabadi ma jirayso.

Waxa aynu ognahay Rasuulkeenuu(NNKHA) sida uu u danayn jiray maciishada dadka uguna ducayn jiray in arsaaqda ilaah u jebiyo caasimadii islaamka ee Madiina markaas.

Waxa uu Imaam Muslim soo saaray Xadiis Saxiixa ah oo uu wariyay Abu Hurayra(RIHN)waxa uu yidhi, “waxa dhaqan ahayd in dadku marka midhaha u horeeyaa u soo ga’aan Rasuulkuna u keeni jireen marka uu qaado ayuu Rasuulku odhan jiray Ilaahayow noo barakee midhahayaga oo noo barakee magaaladayada oo noo barakee saacayada(waa miis ku dhaw 3 kilo) oo barakee mudkayaga(waa miis ku dhaw 700 oo giraam) ilaahayaw Ibraahim waxa uu ahaa adoonkaagii iyo Nabigaagii iyo khaliilkaagii ana waxa aana ahay adoonkaagii iyo Nabigaagii isagu Maka ayuu u duceeyay ana Madiina ayaan ugu ducaynayaa intuu uu ugu duceeyay oo kale iyo intaasi oo kale oo la jira(yacnii dheeraad la jira) markaas ayuu ilamaha u yar u yeedhi jiray uu midhahaa sii jiray) Xadiis kale oo saxiix ah oo Bukhaari iyo Muslim soo saareen waxa uu Anas(IRHN) yidhi, (waa mar uu rasuulku socdaal ka soo laabtay waxa noo soo muuqday buurta Uxud markaas ayuu Nabigu yidhi, “Taasi waa buur ina jecel inan jecel nahay” kadib Madiina ayaa noo soo muuqatay markaas ayuu Nabigu yidhi, “Ilaahaw u barakee waxa ay miisanayaan(waa maceeshadii) oo u barakee mudkoodii waxa ku dhaw 700 oo giraam Bukhaari waxa uu ku daray (waxa loo jeedaa reer Madiina) waxa kale oo Bukhaari iyo Muslim wariyeen inuu Anas yidhi waxa Rasuulku yidhi, “ilaahayaw Madiina waxa aad yeeshaa laban lab barakada aad Maka siisay oo kale sidaas ayuu Rasuulku u dareensanaa arsaaqda iyo barakadeeda.

Maxaa yeelay hadii dhul maciishadu cidhiidhi ku noqoto oo ascaartu qaaliyawdo oo shaqo la’aantu badato waa laga tahriibayaa nololi jiri mayso.

Guntii iyo gaba-gabadii aynu wax ku qaadano fariintii dhalinteenii badnayn ee badda ku leeday iyo waxa ku kalifay tala qaran halaga yeesho maciishada dalka iyo sidii shaqa abuur iyo sanduuq dhaqaale oo dibad iyo gudoba laga qayb qaato loogu samayn lahaa dhalinta dalka iyo shaqa abuurka.

Ta kale hadii dawladahan aynu la xidhiidhaynaa ictiraaf ina siin waayeen waxyaalo badan oo bani’aadanimo ayaynu codsan karnaa iyada oo aan Xamar la inagu xidhin aynu u waydiino dalalka South Africa, USA, Canada, Europe, Suadi Arabia, Qatar, Malaysia,Emirates inay ubadkeena jaamacadaha ka baxay siiyaan Masters iyo PHD Degrees ictiraafka iyo gargaarka aadamanimo waa kala jaad haday meelahaa waxbarashada ka helaana iyagaa is dabari lahaa nidaamka aynu samaysanay halaga iibiyo caalamka oo yaan xamar la inagu xidhin waxaan xusuustaa sideetamadii sanadkii hore anaka oo Riyaad dalka Sucuudiga joogna ayaanu jaamacadda ka codsanay (5) arday oo reer Waqooyigaa dhibaataysan ahaa waa nala siiyay dadkii ka faa’idaystay Sheekh Faysal oo Culimada Burco ee Waawayn ah iyo Sheekh Maxamed Aadan oo culimada hargeysa ah Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed inaga oo dawlad calanle ihina dhalinta wax u waayi mayno.

Waar dhalinyarada himilo ha loo abuuro.

Sheekh Maxamed X. Maxamuud Xiiray.